U qalmida Gargaarka Musiibo ee FEMA: Shuruudaha Muwaadinimo iyo Xaalada Soo-galootinimo

FEMA iyo gobolka, dawlada xuduuda iyo qabiilka waxey siin karaan gargaar musiibo maaliyadeed oo toos ah muwaadiniinta Mareykanka, jinsiyadaha muwaadinka ahayn iyo kuwa aan muwaadinka ahayn ee u qalma.

Gargaarka musiibo waxaa kamid ahaan kara lacag loogu talagalay gargaar kiro, dayactir guri, khasaaro hanti shakhsiyeed, khasaaro caafimaad, kharashaad aas, iyo baahiyaha kala duduwan ee la xiriira musiibo ama kharashaadka aan lagu daboolin caymis ama qaabab kale.

Waxa diyaarsan, kheyraadka lagu maareeyo nolosha sida hooy, cunto iyo biyo, la-talin dhibaato, maareyn kiis musiibo, barnaamijka gargaarka nafaqada kabka ah ee musiibo iyo adeegyada sharci ee musiibo ayaa diyaar u ah ka-badbaadayaasha musiibo iyadoon loo eegeynin xaalad muwaadinimo iyo mid soo-galooti.

Qeexitaanada

Muwaadin Mareykan ah

Qofwalbo oo ku dhashay Mareykanka; qof ku dhashay bannaanka Mareykanka ee leh ugu yaraan hal waalid oo Ameerikan ah; ama qof si dabiici ah Ameerikan u noqday.

Jinsiyad Aan-Wadani ahayn

Qof ku dhashay goobaha Mareykanka ka baxsan (sida, American Samoa ama Jasiirada Swain) markay ahayd ama kadib xiliga uu Mareykanka la wareegay, ama qof waalidiintiisa ay yihiin jinsiyad Mareykan aan-wadani ahayn. Dhammaan muwaadiniinta Maraykanka waa jinsiyado Maraykan ah, laakiin jinsiyad walbo oo Mareykan ah ma ahan muwaadin Mareykan ah.

Aan-ahayn muwaadin oo u Qalma Waxaa kamid ah

  • Deganeyaal Sharci ah oo Joogto ah ("haysteyaasha Kaarka Cagaaran")
  • Aan-Wadani ahayn la siiyey magangalyo
  • Qaxooti
  • Aan-muwaadin ahayn oo xaaladooda dib-u-celineed lalaharay ugu yaraan hal sanno
  • Aan-muwaadin ahayn siidayn sharafeed loo soo siiyey Mareykanka ugu yaraan ugu yaraan hal sanno u jeedo aadane darteed ama faaiido dadweyne oo muuqata darteed
  • Soo-galootiyada Cuban/Haitian
  • Qaar kamida aan-muwaadin ahayn ee lasoo badbaadiyey ama xaasaskooda ama caruurtooda
  • Qaar kamida dhibanayaasha ka-ganacsiga bini-aadamka oo daran, ay kujiraan shakhsiyaadka fiisahooda leedahay "T" ama "U"
Graphic
Mixed group of people standing.

Haddii codsaduhu uunan kasoo bixin xaalada muwaadinimo ama soo-galootinimo xiliga codsiga, qoyska ayaa wali codsan kara noocyo kamid ah gargaarka federaalka haddii:

Waalidka ama masuulka sharciga ee cunug yar oo ah muwaadin Mareykan ah, jinsiyad aan-muwaadin ahayn ama aan-muwaadin ahayn oo u qalma uu codsado gargaarka iyagoo matala cunuga yar, haddiiba isla hal guri iskula noolyihiin. Waalidka ama masuulka sharciga ah waa inuu u codsadaa sida codsade labaad, cunuga yarna waa inuu ka hooseeya 18 xiliga musiibadu dhaceyso.

Dhammaan shakhsiyaadka, iyadoon loo eegeynin xaalad muwaadinimo iyo mid soo-galooti waxey u qalmi karaan gargaar la-talin musiibo, adeegyada sharci ee musiibo, maareyn kiis musiibo, barnaamijka gargaarka nafaqada kabka ah ee musiibo iyo barnaamijyada kale ee lacagta-ahayn, nooca gargaarka musiibada degdega ah. Waxaa tani kujira daryeel caafimaad, hooy, cunto iyo biyo.

Kheyraadka Caawimaada

alert - warning

Shakhsiyaadku waa iney la tashadaan khabiir soo-galooti si ay u xaqiijiyaan haddii ay kasoo baxayaan shuruudaha xaalada soo-galootinimo ee quseeya gargaarka musiibada FEMA.

Intaa waxaa dheer, hay'adaha is-xilqaamay ayaa bixiya caawimo iyadoon loo eegeynin xaalad muwaadinimo ama soo-galootinimo.

Dhammaan shakhsiyaadka, iyadoon loo eegeynin xaalad muwaadinimo iyo mid soo-galooti waxey u qalmi karaan gargaar la-talin musiibo, adeegyada sharci ee musiibo, maareyn kiis musiibo, barnaamijka gargaarka nafaqada kabka ah ee musiibo iyo barnaamijyada kale ee lacagta-ahayn, nooca gargaarka musiibada degdega ah. Waxaa tani kujira daryeel caafimaad, hooy, cunto iyo biyo.

Ka booqo bogga Ururada Is-xilqaamay wixii macaluumaad dheeri ah.

La cusbooneysiiyey markii ugu dambeysay