Macluumaadka boggani kama turjumayo cusboonaysiinta Caawinta Qofka ee masiibooyinka lagu dhawaaqay Maarso 22, 2024 ama ka dib.
Wax badan ka baro waxa hadda la hayo.
FEMA waxey taakuleysaa shakhsiyaadka iyo qoysaska qaba waxyeelooyin ay ku sababtay musiibo guriyahooda musiibo heer madaxweyne looga dhawaaqay awgeed. Waxaan caawin karnaa baahiyaha kale, sida baahiyaha daryeel-caruur oo sababtay-musiibo, kharashaadka caafimaad ee musiibo ama nadiifinta agabyada lagama maarmaanka ah.
FEMA gargaar ma siiso ganacsiyada yaryar oo musiibadu saameysay. Lamaanahayaga, Maamulka Ganacsiga Yaryar (SBA), ayaa siiya deymo ribacoodu yaryahay waxyeelada ganacsi. Sidookale, ma siino gargaar guriyeyn guriyaasha labaad, keliya deegaanka aasaasiga ah.
Waxa Gargaarka FEMA Daboolo
Qoysaska
Gargaar Baahiyo Kale
FEMA waxey bixin kartaa gargaar loogu talagalay agabyada aanu daboolin caymis loogu talagalay milkiilayaasha guri ama karaystayaasha.
Kama heli kartid gargaar quseeya hal waxyeelo shirkadaada caymiska iyo FEMA labaduba. Samaynta sidaa waa faaiido labalaab ah waana khayaano caymis oo sharci daaro ah.
Ka Codso Gargaarka FEMA DisasterAssistance.gov

Qoysaska
Noocyada gargaar ee soo socda waxaa bixin kara Barnaamijka Shakhsiyaad iyo Qoysaska FEMA.
- Gargaar Guriyeyn Ku-meel-gaar ah: Gargaar lacageed ee la siiyo milkiiliyaasha guri ama kiraystayaasha ey ku kireystaan meel ku-meel-gaar ah si ay ugu noolaadaan haddii gurigaagu aanu diyaarsanayn musiibada awgeed, aadana lahayn caymis daboola guriyeyn ku-meel-gaar ah. Haddii aanay diyaar ahayn guriyo la kireysto, dooqa ugu dambeeya ahaan, unug guriyeyn dawlada ah ayaa lagu bixin karaa meelaha qaar.
- Magdhowga Kharashaadka Huteel-seexasho: Magdhowga kharashaadka huteelada milkiiliyaasha guri ama kireystayaasha mudo gaaban marin-u-helid ama isticmaalid la'aan agabyada awgeed, haddii aynan daboolin caymis ama barnaamij kale.
- Dayactir Guri: Gargaar lacageed la siiyo milkiiliyaasha guri ey ku dayactiraan waxyeelo musiibo ku sababtay deegaankooda aasaasiga ah, marka caymis uunan daboolin musiibada, si guriga looga dhigo mid ammaan ah, nadiif ah, una diyaarsan in la dago. Gargaarkan waxaa kujiri kara lacagaha loogu talagalay tallaabooyinka lagu yareeyo khataraha, sida sagafka, foornada, kuleyliyaha biyo, ama yarayn qeybta ugu weyn ee korontada, si looga caawiyo yaraynta cadadka waxyeelo ku yimaada guriga musiibooyinka mustaqbalka ah, haddii sheyaashaas ay waxyeeleysay musiibada.
Eeg Yaraynta Musiibo oo Hoos-timaada Xaashida-xaqiiqda ee Barnaamijka Shakhsiyaadka iyo Qoysaska. - Bedelid Guri: Gargaar lacageed la siiyo milkiiliyaasha guri ey ku bedelaan ku burburay musiibada, marka caymis uunan daboolin waxyeelada.
- Dhisid Guriyeyn Joogto ah: Gargaar lacageed ama mid toos ah ee loogu talagalay dhisid ama dayactir guri. Caawinta noocaan ah waxey ka dhacdaa keliya kiisas gaar ah halkaas oo gargaar guriyeyn nooc kale uunan macquul ku ahayn.
Gargaar Baahiyo Kale
Gargaarka lacageed wuxuu u furanyahay kharashaadka lagama maarmaanka ah iyo baahiyaha daran si toos ah u sababtay musiibada, ay kujiraan:
- Kharashaadka daryeel-caruur
- Kharashaadka caafimaad iyo ilko
- FEMA waxey bixin kartaa gargaar kaalmo naasnuujin iyo agab ee hoos yimaada Gargaarka Caafimaadka iyo Ilkaha marka uu codsaduhu bixiyo dukumintiga taageera ee saxsan (Bayaan qoran oo saxiixan oo ka socda adeeg-bixiye caafimaad oo xaqiijinaya baahida qalabka caafimaad kahor musiibada)
- Kharashaadka tacsi iyo aas
- Waxyeelo agabyo muhiim ah ee qoyska (sida alaabta guriga, qalabka la isticmaalo); agabka dharka (qalabka iyo dharka gaarka ah ama ka hortagga) loogu baahanyahay shaqadaada; agab waxbarasho oo lagama maarmaan ah (kumbiyuutaro, buugaag iskuul, saad)
- Shidaal loogu talagalay isha kuleyl ee aasaasiga ah (saliida kuleylka, gaas)
- Agabka nadiifinta (fakuuma qoyan/qalalan, huuriyaha)
- Waxyeelo ku timaada gaadiid muhiim ah
- Kharashaadka guuris iyo keydin ay musiibadu sababtay. Tani waa guurin iyo keydin walxaha qoyska ee muhiimka ah si looga hortaggo waxyeelo dheeraad ah, sida dayactiro sii socda, iyo ku celinta hanti deegaanka aasaasiga ah ee codsadaha.
- Kharashaadka lagama maarmaanka ah iyo baahiyaha daran ee kale sida ay go'aamisay FEMA
Wixii macaluumaad dheeraad ah ee ku saabsan Gargaar Baahiyo Kale, fadlan booqo Cutubka 3, Qeybta VI ee Barnaamijka Shakhsiyaadka iyo Qoyasaska iyo Hagaha Siyaasad (IAPPG).
Gargaar Baahiyo Daran
Haddii Gargaar Baahiyo Daran (CNA) la codsado loona fasao musiibo lagu dhawaaqay codsaduhuna kasoo baxo shuruudaha u-qalmitaanka, waxey u heli karaan gargaar lacageed baahiyahooda daran ee degdega ah intey si ku-meel-gaar ah uga barakacsanyihiin deegaankooda aasaasiga ah.
Agabyada nolosha-badbaadiya iyo kuwa nolosha-joogteeya ay ku jiraan, se aan ku xadidneyn:
- Biyo
- Cunto
- Taakuleynta kowaad
- Qoraalo-dhakhtar
- Cuntada-dhallaanka
- Qalabka iyo kaalmada naasnuujinta
- Xafaayado
- Agabyada nadaafad shakhsiyeed
- Shidaalka gaadiidka