Baaritaano Guri

Diyaari

Inta lagu jiro

Kadib

Caawin Dheeraad ah

Kadib markaad codsatid gargaar musiibo, FEMA waa iney xaqiijisaa waxyeeladaada musiibadu sababtay iyadoo u marayso goobta ama baaritaan meel fog ah. Inta lagu jiro dhowr maalmood gudahooda shaqaalaha iyo baarayaasha FEMA ayaa kaa soo wici kara taleefon lambar aan la garaneyn ama xadidan waxeyna samaynayaan dhowr iskudayo si ay uga hadlaan waxyeelada musiibadu sababtay.

Baaritaan waxaa uun la samayn karaa marka uu codsaduhu (adiga) ama la-codsade uu joogo. Haddii codsaduhu ama la-codsaduhu aanu awoodin inuu baare la kulmo, qolo sedexaad ayaa qoraal ahaan lagu soo cayimi karaa ogolaansho horey ahna loo soo siin karaa kahor xiliga iyo taariikhda loo jadwaleeyey baaritaanka.

Haddii guriga aanu la geli karin, baaraha ayaa kula kulmi kara codsaduhu meel guriga laga arko ama dhexdhexaad ah si loo xaqiijiyo degnaansho iyo/ama lahaansho.

Graphic
Within 10 Days After Applying Graphic

Isu-diyaarinta Baaritaankaaga

Ha sugin in baaritaanku dhaco si aad kuwa soo socda u samaysid:

  • Sheegasho la furatid shirkadaada caymis, haddii aad caymis leedahay.
  • Bilowdid nadiifin ilaa hadda, haddey badqab tahay in la sameeyo.
  • Sawir ka qaadis wixii waxyeelo ah.
  • Liis gareysid khasaarahaada.
  • Ilaali dhammaan risiidhyada si aad u xaqiijisid kharashaadka ay musiibadu sababtay.

Jadwaleynta Baaritaankaaga

alert - warning

Xusuusnow Inta lagu jiro dhowr maalmood gudahooda shaqaalaha iyo baarayaasha FEMA ayaa kaa soo wici kara taleefon lambar aan la garaneyn ama xadidan waxeyna samaynayaan dhowr iskudayo.

Haddii FEMA aynan awoodin iney kula soo xiriirto si loo xaqiijiyo waxyeeladaada, waxaa laguu soo diri doonaa warqad ogeysiis codsigaaduna lagama sii shaqeyn karao - si aad usii wadid waa inaad soo wacdaa Leenka-Caawinta FEMA (800-621-3362) si aad u cadeysid macaluumaadka lagaala soo xiriiro aadna u xaqiijisid baahidaada gargaar. Dib ha-u-gudbinin ama ha abuurin codsi cusub wakhtiga lagu jiro nidaamka gargaarka musiibo. Waxaad xaalada codsigaaga ka baari kartaa ama akhrin kartaa waraaqaha FEMA adigoo galaya koontadaada DisasterAssistance.gov.

Macaluumaadka ah in Loo Soo Uruuriyo Baaritaankaaga

Waa in macaluumaadka soo socda diyaar kuu ahaadaan xiliga baaritaanka:

  • Sawir Aqoonsigaaga ah
  • Caddeyn lahaansho ama degenaansho, haddii baaruhu codsado
  • Liiska qoyska degan oo ku nool guriga xiliga musiibada
  • Dhammaan waxyeelada musiibadu ku sababtay hanti
  • Siyaasadaada caymis iyo wixii dukumintiyo dheeri ah ee uu codsado baaraha

Inta lagu jiro Baaritaankaaga

Graphic
A blue fema inspector with a phone to his ear

Baarayaasha FEMA waxey u tababaranyihiin aqoonsashada waxyeelo musiibo sababtay, laakiin ma go'aaminayaan haddii aad gargaar heli doontid.

Waxey fiiriyaan oo ey diiwaangeliyaan waxyeelo oo laga yaabo iney u qalanto Barnaamijka Shakhsiyaadka iyo Qoysaska, taas oo ka duwan qiimeynada ay sameeyaan isku-aadiyeyaasha caymis ama barnaamijyada kale ee gargaar musiibo, sida Maamulka Ganacsiga Yar ee Mareykanka.

Si ku xiran cadadka waxyeelada, baaritaanku wuxuu qaadan karaa ilaa 45 daqiiqo inuu dhamaado.

Qaabilitaanka Baaritaankaaga

Qaabilitaanada macquulka ah, ay kujirto fasiraad iyo turjumayaasha ASL, ayaa diyaar ahaan doono si ay u hubiyaan waxgudbin wax ku ool ah lala sameeyo ka-badbaadayaasha xirfadooda English xadidanyahay, ka-badbaadayaasha naafada leh, iyo shakhsiyaadka kale ee leh baahiyaha galgelid iyo shaqo.

Waxaad casuumi karaysaa shakhsi, sida xubin qoyska ah, qaraabo ama saaxiib, si uu kaaga caawiyo la hadlida baaraha.

Kadib Baaritaankaaga

Waxaad heli doontaa macaluumaad sharaxaya go'aanka u-qalmida FEMA 10 maalmood gudahooda kadib booqashada baaraha.

Go'aaminta U-Qalmida

Haddii lagu go'aamiyo inaad u-qalantid gargaar, waxaad heli karaysaa jeeg Maaliyada Mareykanka ka socda ama lacag dhigin toos ah si ku salaysan waxa aad doorbiday inta lagu jirey codsigaaga.

Haddii laguu go'aamiyo inaadan u-qalmin gargaar ama in codsigaagu ahaa mid aan dhamestirneyn, waxaad racfaan ka qaadan kartaa go'aanka 60 maalmood gudahooda iyo/ama waxaad codsan kartaa fursad aad ku buuxiso codsiga.

Caawin Dheeraad ah

Baarayaasha FEMA ma awoodaan iney ka jawaabaan su'aalahaada ama marin u yeeshaan macaluumaadkaaga marba haddey bogaan baaritaankaaga. Haddii aad qabtid su'aalo baaritaankaaga kadib, fadlan ka wac Leenka-Caawinta FEMA 800-621-3362.

Kheyraadka Baaritaano Guri

La cusbooneysiiyey markii ugu dambeysay