Waxaan codsaday Gargaar. Maxaa Xiga?

alert - info

Macluumaadka boggani kama turjumayo cusboonaysiinta Caawinta Qofka ee masiibooyinka lagu dhawaaqay Maarso 22, 2024 ama ka dib.

Wax badan ka baro waxa hadda la hayo.

Dib u eeg Codsigaaga

Caddeyn Deganaansho

Xaqiijin Aqoonsi

Gudbi Dukumintiyada

Baaritaan Guriga

Haddii aad leedahay caymis, waa inaad dood la furataa shirkadaada caymiska markaad codsaneysid gargaarka FEMA. FEMA ma caawin karto khasaaro aalaaba dabooshay caymis. Haddii caymiskaagu uunan daboolin khasaarahaada ama uu soo daahiyey, waxaad u qalmi karaysaa gargaarka FEMA si la xidhiidha baahiyaha aan la fulinin.

Haddii aad deegaankaaga aasaasiga ah ay waxyeeleysay musiibada aanu ahayn mid lagu noolaan karo, wasakh ama badqab ahayn, waxaa laguu jadwaleyn karaa baadhitaan guri si loo xaqiijiyo waxyeelada. Si ku salaysan doorashadaada la tilmaamey xiliga codsiga, waxaad ama heli doontaa warqad ama jawaab qadka ah. Warqada waxey sharxi doontaa haddii aad u qalantid gargaarka, cadadka gargaar aad heli doonto, sida aytahay in gargaarka loo isticmaalo, iyo sida racfaan looga qaato go'aanka FEMA haddii aadan ku raacsaneyn.

Gargaarkaagu waxaa lagu go'aamin iyadoo khasaarooyinkaaga la diiwaangeliyey ee muhiimka ah iyo baahiyaha daran lala barbardhigayo noocyada gargaar ee laga heli karo barnaamijyada iyo adeegyada FEMA. Gargaarka FEMA lama mid ahan caymis mana ka dhigi karaan badbaadaha mid si buuxda usoo kabta. Gargaarka federaalka ka yimaada FEMA wuxuu keliya bixiyaa kharashaadka dayactirada aasaasiga ah si looga dhigo guriga mid ammaan ah, nadaafsan oo lagu noolaan karo. Waxaa sidookale laguu tixraacin karaa Maamulka Gacanasiga Yaryar ee Mareykanka (SBA) wixii la xiriira deymo musiibo oo ribacoodu yaryahay in si dheeri ah kaaga caawiyaan dib u kabashadaada.

Dib uga eegida Codsigaaga DisasterAssistance.gov

Waxaad koonto onleen ah ee Xarunta Gargaarka Musiibada (DAC) FEMA kaga abuuran kartaa DisasterAssistance.gov. Waxaa laguu tilmaami doonaa inaad abuuratid Lambar Aqoonsi Shakhsiyeed (PIN) si quseysa gelitaan ammaan ah ee macaluumaadkaaga codsiga gargaarka musiibo.

Koontadaada onleenka dhexdeeda, waxaad:

  • Dib ugu eegi kartaa macaluumaadkaaga codsiga gargaarka musiibo
  • Bixin kartaa cusbooneysiisyo ku saabsan macaluumaadkaaga iyo baahiyahaaga shakhsiyeed
  • Eegi kartaa waraaqaha iyo fariimaha ay FEMA kuu soo dirtey
  • Heli kartaa faahfaahinada dukumintiyada dheeriga ah ee FEMA ubaahantahay si ey uga shaqeysiiso gargaarkaaga
  • Soo gelin kartaa faylkaaga dukumintiyo
  • Dib u eegi kartaa macaluumaadka ay FEMA kaa heshay

Caawin si aad u abuurto ama u gashid koontadaada, wac Miiska Caawinta Interneetka, kaas oo shaqeeya 7 subaxnimo ET ilaa 1 habeenimo ET, 7 maalmood asbuucii: 800-745-0243.

Xaqiijinta Lahaansho/Degenaansho Guri

FEMA sharciga ayaa uga baahan inay xaqiijiso degenaansho guri ee codsadaha iyo inay xaqiijiso lahaansho guri haddii aad codsaneysid noocyo kamida gargaar guriyeyn.

Eeg Dukumintiyada lasoo Ansixiyey

Xaqiijin Aqoonsi

Haddii FEMA aynan awoodin iney xaqiijiso aqoonsigaaga inta lagu jiro ka shaqeynta codsiga, waxaa lagaaga baahan doonaa inaad gudbisid dukumintiyo taageera.

Dukumitiyada Taageera ee Xaqiijin Aqoonsi

Dukumintiyada lagu xaqiijiyo aqoonsigaaga*

  • Dukumintiyada laga helo Maamulka Amniga Bulshada, ama hay'adaha kale ee federaalka, oo keydiya Lambarkaaga Amniga Bulsho (SSN) oo buuxa ama afarta lambar ee ugu dambeeya
  • Kaadhka Amniga Bulsho haddii lala soo direy aqoonsi federaal ama gobol-bixiyo
  • Dukuminti lacag-bixin shaqaaleysiiye oo keydinaya SSN-kaaga oo buuxa ama afarta lambar ee ugu dambeeya
  • Aqoonsi militari
  • Shatiga guurka si loo xaqiijiyo magaca xaaska
  • Baasaboor Mareykan ah

*Kiisaska qaar FEMA waxey codsadayaasheedu degan xuduudaha Mareykanka waydiisaa iney soo gudbiyaan dukumintiyo aqoonsi oo gaar ah, sida kaararka diiwaangelinta cod-bixiyaha, iwm.

Haddii aad u codsatay gargaarka adigoo metalaya muwaadin maraykan ah oo yar (cunug) ee gurigaaga, waa inaad FEMA usoo dirtaa kuwa soo socda:

Mid walbo oo kamida dukumintiyada dhanka bidix, haddii magac cunugu kujiro AMA

Shahaadada dhalashada cunuga IYO nuqul kaarka Amniga Bulsho ee cunuga ama dukumintiyo laga helo Maamulka Amniga Bulshada, ama hay'adaha kale ee federaalka, oo keydiya SSN-ka cunuga oo buuxa ama afarta lambar ee ugu dambeeya

Gudbinta Dukumintiyada

Waxaad booqan kartaa DisasterAssistance.gov si aad u gudbiso dukumintiyo aad uga baadhid xaaladda codsigaaga onleenka.

Markii la ogaadey in nidaamka onleenka oo keliya uusan fulineyn baahiyaha badbaadayaasha, FEMA waxey sidookale dajisey Xarumo la Geeyo Dukumintiyada halkaas ooo badbaadayaasha ay ka codsan karaan kaalmo, waydiin karaan su'aalo, dukumintiyadooda loogu iskaan gareeyo kiiska faylkooda laaguna soo celiyo goobta.

Raadi Xarun Kasoo-kabasho Musiibo iyo Dukuminti la Geeyo

External Link Arrow

Baaritaan Guriga

Kadib markaad codsato FEMA, codsigaaga gargaar ayaa dib loogu eegi doonaa si loo go'aamiyo haddii baaritaan loo baahanyahay si loo xaqiijiyo waxyeelo la xiriirta musiibo ee gurigaaga iyo hantidaada shakhsiyeed.

Baaritaanada guri ee FEMA waxaa hadda lagu sameeyaa waji-ka-waji. Badqabka iyo caafimaadka badbaadaha musiibada ayaa ah mudnaanta FEMA sidaas darteed ha'ayadu waxey xajineysaa awooda ah iney samayso baaritaano qaab xaqiijin dusha sare ah iyadoon soo galin guriga markay badbaadayaashu fahmi karaan hubinti-la'aanta COVID-19 darteed.

Waxbadan ka Baro Baaritaan Guriga

La cusbooneysiiyey markii ugu dambeysay