Sidee Baan Racfaan uga Qaataa Go'aanka Kama-dambeysta ah?

alert - info

Macluumaadka boggani kama turjumayo cusboonaysiinta Caawinta Qofka ee masiibooyinka lagu dhawaaqay Maarso 22, 2024 ama ka dib.

Wax badan ka baro waxa hadda la hayo.

Haddii aad heshid warqad sheegaysa inaadan u-qalmim gargaar ama in codsigaagu ahaa mid aan dhamestirneyn, waxaad wali dhamestiri kartaa codsigaaga ama racfaan ka qaadan kartaa go'aanka 60 maalmood gudahooda markaad heshid warqada go'aanka. Warqada ama boosto ayaa laguugu soo diri doonaa ama waxaa la dhigi doonaa koontadaad Xarunta Gargaarka Musiibo, haddii aad koonto ka furatay.

Racfaan waan codsi qoran oo loo diro in FEMA markale dib-u-eegto faylkaada, iyo fursad lagu bixiyo macaluumaad cusub ama dheeraad ah oo aan horay loo gudbin kaas oo saameyn kara go'aanka. Waxaad racfaan ka qaadan kartaa go'aan walba ee FEMA ee la xiriira codsigaaga Gargaar Shakhsiyeed, sida go'aankaaga hore ee u-qalmida, cadadka ama nooca gargaar ee lagu siiyey, codsiyo daahay, codsiyo lacag lagu celiyo, ama u-diidid Gargaar Guriyeyn Ku-meel-gaar ah oo sii socda.

Haddii aan qabtid su'aalo quseeya warqada aad heshay ama sida loo fayl-gareeyo racfaan, waxaad wakiil FEMA kala xiriiri kartaa Leenka-Caawinta ee 1-800-621-3362. Waxaad sidookale FEMA ka codsan krtaa nuqul ah faylkaaga si uu kaaga caawiyo fahanka sababta aad u heshay go'aanka aad dooneysid inaad racfaan ka qaadatid. Waxaad sidookale FEMA ka codsan krtaa nuqul ah faylkaaga si uu kaaga caawiyo fahanka sababta aad u heshay go'aanka aad dooneysid inaad racfaan ka qaadatid.

Sida Racfaan looga qaato Go'aan

Ku sharax qoraal sababta aad ugu malaysid in go'aanka ku saabsan cadadka ama nooca gargaar aad heshay uu u qaldanyahay. Adiga, ama la-codsadahaada, waa inuu saxiixaa warqada.

Haddii aad doorbidid in qolo sadexaad kuu gudbiso bedelkaaga, warqada racfaanka waa iney saxiixisaa qolada sadexaad. Intaa dheer ku ah, ku dar bayaan aad saxiixdey, u fasaxaya in qolada sadexaad racfaan kuu qaado, ilaa dukumintiyadani aalaaba fayl ku jiraan mooyee.

Si aad u heshid nuqul faylkaaga ah, waa inaad gudibisaa codsi qoraal ah oo keydiya maagacaaga dhamestiran, lambarka codsi ee FEMA, lambarka musiibo, cinwaanka guriyaha waxyeeloobay iyo cinwaankaaga boosto ee haddeertan, taariikhdaada dhalasho iyo saxiixaada ee la socota mid kamid ah kuwa soo socda:

  • Shaabad ama tiimbare nootaayo, ama
  • Bayaan oranaya, "waxaan halkan uga dhawaaqayaa sida hoos timaada ganaaxa beensheegid in kuwani run yihiin oo sax yihiin." 

Ku dar wixii dukumintiyo taageera, sida qiyaasaha qandaraaslaha ama warqad diiditaan ee ka timaada shirkada caymis ee la socota codsigaada racfaan.

Sida loo Gudbiyo Racfaan

Waxaad ku gudbin kartaa racfaankaaga iyo dukumintiyada taageera onleen, waji-ka-waji, boosto ahaan ama fakis.

Onleen

Racfaanadu waxaa lagu maareyn karaa onleen. Booqo DisasterAssistance.gov si aad u abuurtid koonto aadna u soo galisid dukumitiyada taageera adigoo isticmaalaya Jawaab-celinta "Xarunta Soo-gelin."    

Waji-ka-waji

Waxaad codsigaaga racfaan u qaadi kartaa Xarun Kasoo-kabasho Musiibo.

Boosto ahaan

Boosto ugu dir warqadaada racfaan iyo dukumintiyada taageera:

FEMA - Individuals & Households Program National Processing Service Center
P.O. Box 10055
Hyattsville, MD 20782-8055

Fakis ahaan

Fakis ugu dir warqadaada racfaan iyo dukumintiyada taageera:

(800) 827-8112
Attention: FEMA - Individuals & Households Program

alert - info

Si loo qadariyo, warqadaada racfaanka waa iney kasoo wareegataa 60 maalmood gudahooda taariikhda warqada go'aanka.

Kadib Markaad Gudbiso Racfaankaaga

Dhammaan racfaanada dib baa loo eegi. Go'aanada waxaa caadiyan la sameeyaa 30 maalmood gudahooda ee helida racfaanka, hase yeeshee, waxey qaadan kartaa ilaa 90 maalmood ee go'aanka.

Macaluumaad dheeri ah ayaa lagaa codsan karaa haddii FEMA aysan haysan macaluumaad dheeri ah si ay go'aan u gaarto.

Waxaa laguugu ogeysiin doonaa qoraal ahaan ee looga jawaabo codsigaaga, ama boosto ama koontada DisasterAssistance.gov aad abuuratay markaad wax ka codsaneysay FEMA.

Racfaanka Deyn Ururin (Kasoo-celin) Barnaamijka gargaarka Shakhsiyaad iyo Qoysas

Haddii aad heshay ogeysiis warqad Deyn oo Suurtagal ah, waa muhiim in warqada si taxaddir leh loo akhriyo. Waxaad gudbin kartaa racfaan qoraal ah, kaas oo aad codsan karto dhageysi, 60 maalmood gudahooda markaad heshid warqada. Dhageysi waa fursad lagu soo bandhigo cadeyn habboon (tus., markhaati ama dukumitiyo dheeraad ah) si loo taageero sheegashadaada.

Dhageysi af ah ayaa la jadwaleyn marka FEMA go'aamiso in su'aasha deynta aan keliya lagu xallin karin dib-u-eegid warqad faylka ah. Booqo Bogga Racfaanka Deyn Ururin (Kasoo-celin) Barnaamijka gargaarka Shakhsiyaad iyo Qoysas si aad wax badan uga barato nidaamka.

La cusbooneysiiyey markii ugu dambeysay