Is-xilqaam & ku Deeq

Musiibo kadib, dadku way isku imaadaan si ay isku caawiyaan. Si tabarucaadyadaada sida ugu fiican looga faa'iideysto, waa muhiim in la raaco hagitaanada ku-deeqida iyo is-xilqaamida si masuuliyad leh. Dhaqamada hoose ee la isku dayay run ah iney ugu fiican ayaa ku siin karaa bilow. 

Waxaad iimel usoo diri kartaa Unuga Deeqaha FEMA wixii jawaabo ah ee su'aalahaada gaarka ah ama si aad u samaysid ku-deeqis lacag ahayn.

Kaash baa ugu Wanaagsan

Tabarucaadyada lacageed ee loo diro ururada kabashada musiibo ee la aqoonsanyahay ayaa ah qaababka ugu dhakhsaha badan, ugu fudud uguna waxtarka leh ee ku deeqida. Ururada dhulka jooga ayaa og sheyaasha iyo cadadka loo baahanyahay, inta badan kusoo gada cadad badan oo qiimo dhimis leh iyo, haddey macquul tahayna, kasoo gada ganacsiyada maxalliga ah ee musiibada u dhow, taas oo taageereysa soo kabashada dhaqaale.

Deeqaha Lacagaha-ahayn: Xaqiiji Waxa, Goobta iyo Goorta

Sheyaasha lagu deeqo ayaa loo baahanyahay. Hase yeeshee, qorsheyn si fiican looga fakaray la'aan badeecadaha lagu deeqo ayaa sii cusleyn kara bulsho aalaaba ku jirta dhibaato. Ogaansha waxa loo baahanyahay, halka loogu baahanyahay, iyo geynta halkaa xiliga saxda ah ayaa muhiimada ah. Baahiyaha daran si hawli ah bey isku bedelaan. Kahor intaadan soo ururin, xaqiiji baahida.

  • Ma ahan in waxkasta loo baahanyahay. Dhar la isticmaaley waligeeda looma baahna. 
  • Deeqaha cadadka badan ayaa ugu fiican. Rakooyin rar hal shey ah, la habeeyey, bokis la galiyey.
  • Wakhtiyeyntu waa muhiim. Lasoo dhakhsasho ama lasoo dagdagid qofna aan guuleysaneyn.
  • Gaadiidka ayaa u baahan in laga shaqeeyo. Sidee bey u gaari doontaa halka loogu baahanyahay?

La xiriir Is-xilqaame

alert - warning

Ha isu-dirin naftaada goobaha musiibada.

Ururada la aaminsanyahay ee ka shaqeeya goob saamowday ayaa og halka is-xilqaamayaashu looga baahanyahay. Si ku xiran musiibada iyo wajigeeda ay haddeertan ku jirto, is-xilqaamayaashu ayaa si xad dhaaf ah waxtar ugu yeelan kara iney xaqiijiyaan in ka-badbaadayaashu ku laabtaan caadigooda cusub. Iyadoo lala shaqeynayo urur abaabulan oo faa'iido doon ahayn, badqabka saxda ah, tababarka iyo xirfadaha ayaa la qadarin karaa.

Kasoo-kabashada waxey socon kartaa muddo ka dheer dareenka saxaafadda. Waxaa jiri doona baahiyo is-xilqaame bilooyin, inta badan sannado, kadib musiibada.  Caawinaadaada ayaa inta badan loo baahan doonaa muddo dheer kadib musiibada.

Sidee baad u Caawin Karta

Graphic
An email icon.

Haddii aad qabtid sheeyo lagu deeqo, wakhti la isu-xilqaamo si aad u taakuleysid urur faa'iido doon ahayn, ama kaash aadna qabtid su'aalo aad dad weydiiso, iimey u dir Unuga Deeqaha FEMA. Waxaan jeclaan lahayn inaan ku caawino, caawi dadka kale.

Si aad u heshid liis ururo la aaminsanyahay, macaluumaad dheeraad ah ee ku saabsan deeqaha iyo kheyraadyada kale, booqo Ururada Is-xilqaanka Qaranka ee ka Shaqeeya Musiibo.

La cusbooneysiiyey markii ugu dambeysay