Waxaa la ii soo Gudbiyey Maamulka Ganacsi Yar ee Mareykanka

alert - info

Macluumaadka boggani kama turjumayo cusboonaysiinta Caawinta Qofka ee masiibooyinka lagu dhawaaqay Maarso 22, 2024 ama ka dib.

Wax badan ka baro waxa hadda la hayo.

Si ay wax uga qabato baahiyaha ka-badbaadayaasha musiibo, FEMA waxey la bahowdaa hay'ado kale. FEMA waxey la shaqeysaa Maamulka Ganacsi Yar ee Mareykanka (SBA) si loo siiyo deymo ribacoodu yaryahay milkiiliyaasha guri iyo kireystayaasha goob musiibo weyn looga dhawaaqay. Deymahan waxey wax ka taraan daboolida waxyeelo musiibo-sababtay ama yareyn si loo kaabo ka hortagga waxyeelo duufaan mustaqbalka ah. Uma baahnid inaad ganacsi lahaatid si aad u codsatid deyn. Waxaa laguu soo gudbin karay SBA kadib markii aad awal codsatay gargaar musiibo ee FEMA.

Haddii laguu soo gudbiyey SBA, waa inaad ka buuxisaa codsi deyn musiibo SBA ah mareegta SBA ama Xarunta Kasoo-kabashada Musiibo.

Haddii laguu ansixiyey deyn, waajib kuuguma ahan inaad aqbashid. Haddii aad codsatay se aadan u-qalmin deyn ribaceed hooseeyo, waxey tani albaab u fureysaa deeq dheeri ah oo ka timaada FEMA.

Haddii SBA aysan ku siin deyn ama keliya ku siiso qeyb deyn ah, SBA waxey ogeysiin doontaa FEMA. Waxaad dib u eegi kartaa codsigaaga si aad u aragto haddii aad u qalanto gargaar musiibo oo dheeri ah, sida Gargaar Hanti Shakhsiyeed, Gargaar Gaadiid iyo/ama Siyaasad Koox ee Caymis Daad (GFIP).

FEMA yaa awood u yeelan karta iney kaa caawiso kuwa soo socda xitaa haddii aadan deyn ka codsan SBA:

  • Dayactir ama Bedellid Guri
  • Gargaar Kiro
  • Caafimaad
  • Ilko
  • Baahiyo Daran
  • Daryeel Caruur
  • Tacsi
  • Nadiifin iyo Fayodhowr
  • Guuris iyo Keydin
  • Sheeyo Kala-duwan

Maadaama Barnaamijka Shaksiyaadka iyo Qoysaska FEMA uunan gargaar deeq siineyn ganacsiyada ama guriyaasha kirada ah oo aanay u deganeyn dadkii lahaa sida degenayaal aasaasi ah, codsiyadaha FEMA ee noocaan ah waxaa si otomaatik ah loogu gudbiyaa SBA wixii la xiriira u qadarin deyn musiibo.

Wixii su'aalo ah oo la xiriira barnaamijka deynta SBA, fadlan ka wac SBA 800-659-2955 (TTY: 800-877-8339). Macaluumaadka SBA ayaa sidookale diyaar ku ah www.SBA.gov/disaster ama iimeyl ugu dir disastercustomerservice@sba.gov.

Ka-badbaadayaasha su'aalo u haya FEMA ama u baahan macaluumaad waxey marwalbo booqan karaan www.DisasterAssistance.gov ama wici karaan Leenka-Caawinta FEMA ee 800-621-3362.

La cusbooneysiiyey markii ugu dambeysay