Xaqiijinta Lahaansho ama Degenaansho Guri

Caddeyn Deganaansho

Caddeyn Lahaansho

Dabacsanaan La Balaariyey

FEMA waxaa looga baahanyahay iney xaqiijiso inaad ugu nooleyd cinwaanka codsigaaga kujira sida degane aasaasi ah kahor intaaney bixinin intooda badan noocyada gargaar ee IHP. FEMA ayaa sidookale laga rabaa iney xaqiijiso inaad lahayd gurigaaga kahor intaaney bixinin Gargaar Dayactir ama Bedellid Guri.

Ka qeyb ahaan dadaalkayaga ah ka dhigida nidaamka gargaarka musiibo mid dhakhso ah aanu codsayassha culeyska ka yarayno, waxaan isku daynaa inaan xaqiijino degenaansho iyo lahaansho innagoo isticmaalayna raadin diiwaano dadwayne oo otomaatik ah.

Haddii aan xaqiijin karin inaad ku nooleyd ama lahayd guriga aad ku liis garaysay codsigaaga, waxaan ku waydiin doonaa inaad bixiso dukumintiyo si loo cadeeyo deganaansho iyo/ama lahaansho si ay nooga caawiso go'aaminta haddii aad u qalantid gargaar.

FEATURED
Graphic
A red house with a white roof and a road

Waxaan fahamsanahay in bixinta dukumintiyo kadib musiibo markay kuugu dhacdo ay adkaan karto. Waxaan dhawaan dhaqan-galiney siyaasado cusub si loo yareeyo hayndaabyada marineed ay wajahaan bulshooyinka la gacan-bidixeeyo.

FEMA waxey haddeertan aqbashaa noocyo badan oo dukumintiyo ah si loo xaqiijiyo lahaansho ama degenaansho, waxeyna sidoo kale aqbashaa dukumintiyo taariikho fog-fog leh marka loo fiiriyo kuwa aan horey u aqbali jirney.

Akhri wax badan oo ku saabsan isbedellada dhawaa ee siyaasadaha Gargaar Shakhsiyeed.

Caddeyn Deganaansho

FEMA waxey u aqbashaa dukumintiyada soo socda caddeyn ah inaad ku nooleyd gurigaaga kahor musiibada lagu dhawaaqay. Waxaad keliya u baahantahay inaad bixiso mid kamida dukumintiyada hoos lagu liis gareeyey.

  • Heshiis kiro ama guriyeyn.
  • Risiidhyada kirada.
  • Biilasha isticmaal (koronto, biyo/muqul, iwm).
  • Lacag-bixin mushaar.
  • Bayaan bangi ama kaar deyn.
  • Shati daraawal, kaar gobolku-bixiyo, ama kaarka diiwaangelinta cod-bixiyaha.
  • Bayaan dadweyne rasmi ah.
  • Biil adeeg-bixiye caafimaad.
  • Dukumintiyada urur adeega bulsho (sida Meals on Wheels).
  • Diiwaangelin gaari.
  • Dhaar-qoraaleedyo Degenaansho ama dukuminti maxkamadeed oo kale.
  • Warqad ama boosto la keeney cinwaankaaga ee ka timid loo shaqeeye, madax dadweyne, urur adeeg bulsho, iskuul maxalli ah ama iskuul degmo, milkiile darjiin guri guura ama maamule.

Inta badan dukumintiyada waxaa lagu taarikheyn karaa 1 sanno kahor musiibada iyo/ama mudada 18-bilood ee gargaarka.  Hase yeeshee, shatigaaga daraawal, kaarkaaga gobolku-bixiyey, ama kaarkaaga diiwaangelinta cod-bixiye waa inuu ku taariikheysanaadaan kahor inta musiibadu dhicin uuna dhicisoobin markaad nuqul usoo direysid FEMA.

Caddeyn Lahaansho

FEMA waxey u aqbashaa dukumintiyada soo socda caddeyn ah inaad ku lahayd gurigaaga kahor musiibada lagu dhawaaqay. Waxaad keliya u baahantahay inaad bixiso mid kamida dukumintiyada hoos lagu liis gareeyey.

  • Warqad-lahaansho.
  • Dukumintiyada amaahda guriga.
  • Dukumintiyada caymiska milkiiliyaasha guri.
  • Risiidhka ama biilka canshuurta hanti.
  • Shahaadada ama cinwaanka lasoo warshadeeyey ee guri.
  • Qandaraasyada iibsiga guriga.
  • Dardaaran ama markhaati (oo wehlisa shahaado dhimasho) oo kuu magacaabeysa inaad tahay dhaxlaha hantida.
  • Risiidhyada dayactirada waaweyn oo ku taarikheysan 5 sanno gudahooda kahor musiibada.
  • Warqad la diyaariyey kadib musiibada milkiilie darjiin guri guura ama maamule ama madax dadweyne taas oo kasoo baxda shuruudaha FEMA.

Inta badan dukumintiyada waxaa lagu taarikheyn karaa 1 sanno kahor musiibada ama mudada 18-bilood ee gargaarka.

alert - info

Qaabka ugu dhakhsaha badan ee ugu fudud ee dukumintiyo loogu diro FEMA si loo cadeeyo degenaansho ama lahaansho waa in lasoo geliyaa onleenka DisasterAssistance.gov

Dabacsanaan La Balaariyey

Inkastoo aan rajeynayno in isbedellada aan dhawaan samaynay aan ku aqbalayno noocyo badan oo dukumintiyo ah si looga dhigo gargaarka musiibo mid fudud, FEMA waxey fahmeysaa in ka-badbaadayaasha musiibo ee xaaladaha qaar ay wajihi karaan dhibaatooyin dheeraad ah ee ku aadan soo ururinta dukumintiyo gaar ah. Sidaa darteed, FEMA waxey dhwawaan samaysay isbeddelo siyaasad si ay u bixiso dhabacsanaan dheeraad ah si loogu oggolaado codsayaasha kuwaas oo aan awoodin iney bixiyaan heerarka noocyada dukumintiyada iney bixiyaan bayaano is-qeexitaan nafeed oo qoran ka dooq kama-dambeys ahaan xaalado qaar.

Caddeyn Deganaansho

Haddii deegaankaaga hore uu ahaa guri guura ama gaari socda aadna lahayn qaabab degenaansho oo la oggolaan karo, FEMA waxey aqbalaysaa bayaan is-qeexitaan nafeed oo qoran ka dooq kama-dambeys ahaan, caqabadaha helitaanka noocyadii hore ee dukumintiyo ee guriyaha noocyadan ah awgeed.

FEMA ayaa sidookale ka aqbali karta bayaan is-qeexitaan nafeed codsadayaasha ku nool goobaha ka baxsan gobolada Mareykanka, jasiiradaha, iyo dhulalaka xuduudaha, laakiin bayaanada waa FEMA qoraal ahaan loogu soo diraa ee kaliya ma eegi karo baare.

Bayaan is-qeexitaan nafeed ee caddeyn degenaansho waa inuu keydiyaa dhammaan sheyaasha hoose:

  1. Cinwaanka deegaanka musiibadu-saameysey.
  2. Dhererka wakhtiga aad ugu nooleyd guriga musiibadu-saameysey, ka deegaankaaga aasaasiga ahaan, kahor ku dhawaaqida musiibada heer Madaxweyne.
  3. Magacaada ama magaca la-codsadahaaga iyo saxiixa.
  4. Qodobada ugu waaweyn ee bayaanka soo socda iyo sharaxaad dheeri ah:

"Waxaan sameeyey dadaal lillaahi ah, si lala-xiririinayo FEMA, inaan helo aana bixiyo nuqul ah dukuminti degenaansho la aqbali karo Waxaan awoodi waayey inaan soo helo dukumintigan sababtoo ah [bixi sharaxaada duruufaha ka hor istaaga xaqiijin heer degenaansho ah si aad ugu dartid sababta noocyada kale ee dukumintiyaasha aaney ula oolin codsadaha ama sida dukumintiyaasha yaala aaney uga soo bixin shuruudaha FEMA]. Waxaan halkan uga dhawaaqayaa sida hoos timaada ganaaxa beensheegid in kuwani run yihiin oo sax yihiin."

Caddeyn Lahaansho

Haddii aad guri leedahay, ku nooshahay goob ka baxsan gobolada Mareykanka,  jasiiradaha, iyo dhulalaka xuduudaha, ama gaari socda ama guri guura, aadana lahayn noocyo lahaansho oo la aqbali karo, FEMA, ka dooq kama dambeys ahaan, waxey aqbali doontaa bayaan qoraal ah ee is-qeexid nafeed sida caddeyn lahaansho ahaan.

Bayaan is-qeexitaan nafeed ee caddeyn lahaansho waa inuu keydiyaa dhammaan sheyaasha hoose:

  1. Cinwaanka deegaanka musiibadu-saameysey.
  2. Dhererka wakhtiga aad ugu nooleyd guriga musiibadu-saameysey, ka deegaankaaga aasaasiga ahaan, kahor ku dhawaaqida musiibada heer Madaxweyne.
  3. Magacaada ama magaca la-codsadahaaga iyo saxiixa.
  4. Qodobada ugu waaweyn ee bayaanka soo socda iyo sharaxaad dheeri ah:

"Waxaan sameeyey dadaal lillaahi ah, si lala-xiririinayo FEMA, inaan helo aana bixiyo nuqul ah dukuminti lahaansho la aqbali karo. Waxaan kasoo baxayaa qeexitaanka FEMA ee milkiile-degan sababtoo ah waxaan ama ahayn (A) milkiilaha sharciga ah ee guriga. (B) aan kiro bixin, laakiin waxaan masuul ka ahay bixinta canshuuro ama dayactirka deegaanka, ama (C) leeyahay xuquuq degenaansho intaan noolahay ah. Waxaan awoodi waayey inaan soo helo dukumintigan sababtoo ah [bixi sharaxaada duruufta ka hor istaagta xaqiijin heer lahaansho ah ee qeybta milkiile-degan]. Waxaan halkan uga dhawaaqayaa sida hoos timaada ganaaxa beensheegid in kuwani run yihiin oo sax yihiin."

Haddii aad guri leedahay aadna ku nooshahay kaas oo kuugu soo gaaray dhaxal ahaan aadana haysan noocyada lahaansho ee la aqbali karo, FEMA, ka dooq kama dambeys ahaan, waxey aqbali doontaa bayaan qoraal ah ee is-qeexid nafeed sida caddeyn lahaansho ahaan.

Bayaan is-qeexitaan nafeed ee caddeyn lahaansho kutimid dhaxal waa inuu keydiyaa dhammaan sheyaasha hoose:

  1. Cinwaanka deegaanka musiibadu-saameysey.
  2. Dhererka wakhtiga aad ugu nooleyd guriga musiibadu-saameysey, ka deegaankaaga aasaasiga ahaan, kahor ku dhawaaqida musiibada heer Madaxweyne.
  3. Magacaada ama magaca la-codsadahaaga iyo saxiixa.
  4. Nuqul ah shahaadada dhimasho ee dhaxal-laga-soo-gaaraha.
  5. Qodobada ugu waaweyn ee bayaanka soo socda iyo sharaxaad dheeri ah:

"Waxaan sameeyey dadaal lillaahi ah, si lala-xiririinayo FEMA, inaan helo aana bixiyo nuqul ah dukuminti lahaansho la aqbali karo. Waxaan awoodi waayey inaan soo helo dukumintigan sababtoo ah [bixi sharaxaada duruufaha ka hor istaaga xaqiijin heer lahaansho ah]."

IYO, qodobada ugu waaweyn ee bayaanka soo socda:

"Qaraabada ugu dhow ee marxuumka dhaxal ahaan, lahaanshaheyda waxaa kamida dhammaan xuquuqda iyo waajibaadyada marxuumka. Magaca qofka dhintey ____, iyo goorta ay dhinteen ____. Waxaan fahamsanahay iney tahay inaan shaacistan la gudbiyo shahaadada dhimasho. Waxaan halkan uga dhawaaqayaa sida hoos timaada ganaaxa beensheegid in kuwani run yihiin oo sax yihiin."

La cusbooneysiiyey markii ugu dambeysay