FEMA luuqadaada ah

Mareegta FEMA waxaa kujira macaluumaad iyo agabyo ku diyaarsan luuqado aan ahayn English.

Ka-badbaadayaasha musiibo waxey heli karaan macaluumaad fasiran oo ku saabsan barnaamijyada gargaar musiibo, udiyaar ahaanshaha arrimaha degdega ah, hawlaha jawaab-celin iyo dib-usoo-kabasho, iyo caymis daada ah. Macaluumaadka wuxuu ku yimaadaa qaabab kala duwan wuxuuna diyaar u yahay in la wadaago oo lala dago. Kheyraadyo dheeri ah ayaa wakhti-ka-wakhti loogu so daraa, sidaa darteed fadlan u booqo in badan.

Graphic
man and woman signing

Qaabilitaanada Macquulka ah

FEMA waxey bixineysaa adeegyo dhowr ah si loo daboolo baahiyaha dhammaan ka-badbaadayaasha musiibo oo ay ku jiraan:

  • Fasiraadyo
  • Luuqada Dhagoolaha Mareykanka (ASL)
  • Qoraallada shaashada ee wakhtigaa-dhacaya
  • Agabyada kaaba dhageysiga iyo akhriska
  • Dukuminti ku baxa luuqada Indhoolaha ama daabacaada waaweyn

Codso Adeegyo

FEMA Waxey ku hadashaa Luuqadaada

https://www.youtube.com/embed/0VuJUHJO64Q

Waxaan bixinaa caawin iyo macaluumaad ku baxa luuqadaada. Ka wac FEMA Leenka-Caawinta ee 800-621-3362:

  • Riix 1 English
  • Riix 2 Spanish
  • Riix 3 luuqado kale

Garaac 711 ama adeegyada isku-duwida muuqaal ayaa diyaar ah.

Sahmi Kheyraadkayaga

Wax ka baro barnaamijyada gargaarka musiibo iyo dabeecadaha u qalmid ee shakhsiyaadka, qoysaska, gobol, maxalli, qaramada qabiilka ama dawladaha xuduudaha iyo ururada faaiido doonka ahyn ee gaarka ah.

La soo dag kheyraadka isgaarsiin sida madbaacyada bulshada, xaashiyaha, qoraalada ku-dhawaaqida, muuqaalada iyo kaartuunka la heli karo ee dhowr luuqadood ku baxa si ay kaaga caawiyaan inaad dadka kale la wadaagtid macaluumaad musiibo oo muhiim ah, inta lagu jiro iyo kadib musiibo.

Booqo FloodSmart.gov (en Español) si aad wax uga baratid caymiska daadadka, halis iyo kharashaad, goobo iyo qariirado iyo u diyaar-garowga musiibo daad. Wakiilada waxey u noqon karaa kuwo dhowr luuqadood ku hadla agabyada musiibo daad ee kulamada macaamiisha ee baraha bulshada, mareegta ama iimeylada suuq-geynta.

La wadaag buug yaraha FEMA ee caawin musiib kadib bulshadaada si aad uga caawisid dadka iney fahmaan noocyada gargaar ee FEMA oo laga yaabo inuu u faranyahay inuu wax kataro dib-usoo-kabashada. Buug yaraha wuxuu diyaar ku yahay 27 luuqadood.

Wax badan ka baro sida loo caawiyo kuwa baahida kujira ee musiibo Waxaa jira dhowr qaabab ee loo caawiyo sida ku deeqida kaash, sheyaasha loo baahanyahay ama wakhtigaaga.

Baro tilmaamaha aasaasiga ah ee sida loo keydiyo maalka qoyskaaga sida sawirada, buugaagda, iyo dukumintiyaasha iyo waraaqaha muhiimka ah musiib kadib.

Muuqaalo Luuqada Dhagoolaha Mareykanka

Waxaan bogga-yaga YouTube ku haynaa muuqaalo ASL ah oo daboola dhowr mawduucyo ee la xiriira u diyaargarow iyo ka badbaadid musiibo.

Ka eeg Bogga oo idil YouTube

External Link Arrow
La cusbooneysiiyey markii ugu dambeysay