Dadka degan Vermont oo ay saameysey duufaanadii, daadkii, dhul-simbirixii, iyo dhooqo-guurkii darnaa ee Luulyo waxey haystaan ilaa 10 p.m. ee Isniin, Nofeembar 25 iney ku codsadaan gargaar musiibo ee federaal, taas oo ay ku jiri karto deeqaha FEMA ee lagu dayactiro guriyaha laguna bedelo guriyaha.
Wixii quseeya duufaanadii dhacay Luulyo 9-11, dadka degan gobolada la cayimay ee Addison, Caledonia, Chittenden, Essex, Lamoille, Orleans iyo Washington waxey u qalmaan iney codsadaan. Quseysa duufanaddi Luulyo 29-31, kuwa degan gobolada la cayimay ee Caledonia, Essex iyo Orleans ayaa codsan kara.
Dadka degan Vermont oo ay saameysey labada duufaano ee Luulyo waa iney u gudibiyaan codsiyo kala ah dhacdo kasta.
Dadka badbaaday oo qaba qasaaro ama waxyeelo waa iney FEMA ka codsadaan xitaa haddii aysan wali haysan qiyaasaha dayactirka ama xalinta caymiska. Si loogu tixgeliyo, dadka jooga goobaha saamooway ayaa u baahan iney iska diiwaan geliyaan nidaamka kahor taariikhda kama dambeysta.
Kuwaani waa saddex qaabab ee loo codsado:
- Aad onleenka DisasterAssistance.gov.
- Ka wac FEMA Leenka-Caawinta ee 1-800-621-3362. Khadadka taleefonka ayaa shaqeeya laga bilaabo 7 a.m. ilaa 10 p.m. (wakhtiga aagaaga), todobo maalmood asbuucii. Gargaar ayaa diyaar ku ah inta badan luuqadaha. Haddii aad isticmaashid adeega isku-duwida, adeeg taleefon ee qoraal leh ama waxkale, usii FEMA taleefonkaaga adeegaas. Muuqaal gelitaan ee sida loo codsado gargaar ah aad, youtube.com/watch?v= WZGpWI2RCNw..
- Lasoo dag Apka Moobeelka ee FEMA
Kuwa aan codsan kahor taariikhda kama dambeysta oona wali raba iney is-qoraan waa iney gudbiyaan cudur-daar sababta ay u waayeen. Cudur-daar waxaa kamid ahaan kara: diiwaan ah isbitaal dhigis, xanuun, ama naafanimo codsadaha ama xubin qoys oo u dhow; dhimasho xubin qoys oo u dhow; ama caddeyn safar shakhsiyeed ama shaqo oo ka reebay codsadaha inuu ka maqnaado goobta mudada buuxda ee codsiga.