Dadka degan Ohio oo ay saameysey Duufaanadii Maarso 14: Sababaha Muhiimka ah ee loo Buuxiyo Codsi SBA

Release Date Release Number
DR-4777-OH NR-15
Release Date:
Juun 4, 2024

COLUMBUS - FEMA waxey la bahowdaa hay'ado kale, sida Maamulka Ganacsi Yar ee Mareykanka (SBA), Si ay wax uga qabato baahiyaha ka-badbaadayaasha musiibo. Haddii aad tahay milkiile guri, kireyste ama milkiile ganacsi ay saameysey duufaanadii Maarso 14, SBA waxey awoodi karaysaa iney ku siiso deyn musiibo ribaceeda hooseeyo si loo taageero soo-kabashadaada. 

Kadib markaad codsato Gargaar FEMA, ha sugin inaad sidookale deyn ka codsatid SBA. Lagaama rabo inaad codsatid deyn SBA ah si laguugu tixgeliyo deeqaha FEMA, laakiin deyn SBA ah ayaa wax ka tari karta baahiyaha aan la daboolin ee kharashaadyada la xiriira musiibo. 

Shakhsiyaadka degan mid kamid ah gobolada la qoondeeyey, kuwaas oo guriyahooda iyo hantidooda waxyeeleysey duufaanadii Maarso 14, waxey haystaan ilaa 1 Luulyo si ay u codsadaan gargaar laga helo FEMA iyo SBA.

Barnaamijyada SBA waxey caawin karaan milkiiliyaasha guri iyo kireystayaasha, sidookale ganacsiyada waaweyn iyo kuwa yaryarba (ay ku jiraan milkiiliyaasha guri) iyo hay'adaha faa'iido doonka ahayn.

Milkiiliyaasha guri waxey u qalmi karaan deyn ribaceeda hooseeyo ee ilaa $500,000 ah si loo dayactiro ama loo bedelo gurigooda. Kireystayaasha iyo milkiiliyaasha guri oo musiibada ku lumiyey hanti shakhsiyeed ayaa u qalmi kara iney deynsadaan ilaa $100,000 si loo bedelo waxyaabaha ay u baahanyihiin sida dhar, alaab guri - xitaa gaari.

Haddii aad tahay milkiile ganacsi ee jooga mid kamid ah gobolada loo qoondeeyey ee Ohio oo ay saameysey duufaanadii Maarso 14 aadna u baahantahay gargaar kadib musiibada, waxaa jira fursad weyn ee SBA caawin karto, laakiin waa inaad marka hore codsataa. 

Heerarka ribacooda hooseeyo ee musiibo ayaa la heli karaa.

SBA waxey bixin kartaa deyn u qalanta miisaaniyadaada shakhsiyeed. Codsadayaasha awoodin iney deyn ka helaan meel kale, heerka ribaca ee deymaha guriga waa 2.5%, deymaha ganacsi waa 4.0% iyo 2.375% oo loogu talagalay ururada aan faa'iido doonka ahayn. Lacag-bixintaada ugu horeysa lagaama rabi doono 12 bilood, oo wax ribac ah lagaama qaadi doono laba iyo tobanka bilood. Waxaad yeelan kartaa ilaa 30 sanno inaad ku bixiso mana jirto ganaax ama qarash quseeya lacag-bixin hore.

Haddii aad aalaaba leedahay amaah guri ee hanti waxyeelowday ah, khubarada SBA ayaa kuugu caawin kara deyn ribaceeda hooseyo aad awoodi karto. Meelaha qaar, SBA ayaa qarasheyn karta qaar ama dhammaan amaah guri ee jirta.

SBA waa isha ugu weyn ee soo-kabasho lacago.

Deymaha musiibo ee SBA ayaa ah isha ugu weyn lacagaha kasoo-kabasho musiibo federaalka ah ee badbaadayaasha. Deymaha musiibo ee SBA waxey daboolaan khasaaraha aaney si buuxda u daboolin caymis, deeqaha FEMA ama kheyraadyada kale. Badbaadayaasha waa ineynan sugin xalin caymis kahor intaaney codsi deyn ah u gudbisan SBA. Waxey ogaan karaan in caymis gabaabsi ah la siiyey ee quseeya walxaha laga jarjaro ama shaqo iyo agabyo loogu baahanyahay in lagu dayactiro ama lagu bedelo guri.

Lacago lagu yareeyo khataraha musiibo ee mustaqbalka ayaa la heli karaa.

Dey-qaatayaasha u qalma deyn musiibo ee SBA waxey dooran karaan iney helaan lacago la ballaariyey si looga caawiyo ka yareynta guriyahooda ama ganacsigooda musiibooyin mustaqbalka ah. Deymaha musiibo ee SBA waxaa lagu kordhin karaa ilaa 20% si kor-u-qaadis loogu sameeyo dhismayaasha.

Haddii aad kasoo kabaneysid musiibo lagu dhawaaqay ama hore u sii qorsheysaneysid aadna ka fakareysid wax ku saabsan sida loo ilaaliyo gurigaada iyo qoyskaada, ganacsi, iyo shaqaale, gargaar yareyn keliya kaama caawiyo dib u dhisid iyo ku soo laabasho ganacsi, laakiin lacagta ayaa sidookale loo adeegsan karaa in lagu sameeyo hagaajino guri oo saareysa waxyeelo mustaqbalka ah ama badbaadineysa nololo.

Ansixinta SBA ee tallaabooyinka yareynta ayaa loo baahanyahay kahor intaan la sameyn wax deyn kordhin ah. Kharash kuma fadhido in la codsado, qasabna kuuguma ahan inaad aqabsho deyn haddii laguu ansixiyo.

Xitaa walxaha yaryar ayaa awood siiin kara gurigaada ama ganacsigaaga maanta si looga fogaado waxyeelo ama qarashyo aan la qorsheyn ee mustaqbalka ah.

Wax badan ka baro gargaar musiibo ee SBA www.sba.gov/funding-programs/disaster-assistance.  Booqo www.fema.gov/disaster/4777 Xog dheeraad ah ee ku saabsan hawsha kasoo-kabasho musiibo ee Ohio. 

 

Tags:
La cusbooneysiiyey markii ugu dambeysay