Haddii gurigaagu waxyeeleeyeen daadadkii dhawaa ee Vermont laakiin aad wali si badqab leh ugu noolaan kartid, FEMA ayaa kuugu caawin karta ilaa $300 oo nadiifin ah. Gargaarkan Nadiifin iyo Fayodhowr waxaa loogu talagalay in lagu caawiyo in milkiiliyaasha guri iyo kireystayaasha si degdeg ah wax uga qabtaan wasakhowga ka dhasha daadadka biyaha si looga hortago iyo walaac badbaado khasaaro hor leh.
Waxaad u qalmi kartaa Gargaarka Nadiifin iyo Fayodhowr haddii:
- Aad ku nooshahay Cobolka Caledonia, Chittenden, Lamoille, Orange, Orleans, Rutland, Washington, Windham ama Windsor.
- Si ku salaysan baaritaanka FEMA, gurigaagu wuxuu qabaa waxyeelo musiibo, ama, haddii aad kireyste tahay, baaritaanku wuxuu ogaadaa ficilo nadiifin in loo baahanyahay ama aalaaba la qaaday.
- Haddii aad aalaaba nadiifisay, ilaalso risiidhyadaada aad ka heshay saad, agab ama caawin walba oo lacag lagu bixiyey.
- Shirkadaada caymisku ma daboosho waxyeelad.
- FEMA ayaa go'aamisa deegaankaaga aasaasiga ah ee musiibo-waxyeeleysay inuu u badqabo in la dago.
Wixii waano ah ee ku saabsan waxa la sameeyo haddii gurigaaga uu bolol leeyahay, booqo fema.gov/fact-sheet/mold-problems-and-solutions.
Si aad isaga diiwaangelisid gargaarka FEMA, booqoDisasterAssistance.gov ama lasoo dag Apka FEMA ama ka wac 1-800-621-3362. Haddii aad isticmaashid adeega isku-duwida muuqaal (VRS), adeeg taleefon ee qoraal leh ama waxkale, usii FEMA taleefonkaaga adeegaas markaad codsaneysid.
FEAM waxaa ka go'an inay xaqiijiso gargaar musiibo ay weheliso sinnaan, takoor la'aan si ku salaaysan midab, kalar, diin, dhalasho, jinsi, da', naafanimo, garashada Ingiriiska, ama xaalad dhaqaale. Ka badbaade kasta ee musiibada ama xubin bulshada ah ayaa lasoo xiriiri karta Xafiiska Xuquuqda Rayidka ee FEMA haddii ay dareemaan iney yihiin dhibane takoor. Xafiiska Xuquuqda Rayidka ee FEMA waxaa lagala soo xiriiri karaa si bilaash ah 833-285-7448. Waxaa diyaar ah hawlwadeeno dhowr luuqadood ku hadla.