Dadka daggan Degmada Orleans ee guryahoodu ama hantidooda shakhsiyeed ay wax yeeloowday waxay kasoo codsan karaan cawimaada musiibada maamulka FEMA. Degmooyin dheeraad ah ayaa lagu soo dari karaa maalin kale oo mustaqbalka ah haddii maamulka gobolku uu soo codsado sidaas laguna xaqiijiyo qiimeyno dhibaato oo dheeraad ah natiijooyinkooda.
Degmada Orleans waxay dheeraad ku tahay sideed degmo oo horay loogu qoondeeyay Caawimaada Shakhsiga kuwaasi oo kala ah: Caledonia, Chittenden, Lamoille, Orange, Rutland, Washington, Windham iyo Windsor.
Cawimaada waxaa soo gali kara dammaanad qaadyo loogu tala galay guriyeyn kumeel gaar ah iyo dayactirrada guryaha, deymo dulsaar yar leh oo lagu cayminaayo hanti luntay oo aan caymis kujirin iyo barnaamijyo kale si loo caawiyo shakhsiyaadka iyo mulkiileyaasha ganacsiyada si ay uga soo kabtaan waxyeelooyinka musiibada.
Si aad u codsato cawimaad, wac Khadka Taleefanka Cawimaada ee FEMA ee ah 800-621-3362 inta u dhexeysa 7da subaxnimo iyo 11ka habeenimo (ama shanta saac ee habeenimo hadba sidaad u taqaano); booqo DisasterAssistance.gov; ama soo dagso FEMA App. Haddii aad isticmaasho adeeg farriin sii gudbin ah sida adeegga sii gudbinta maqalka iyo muuqaalka ee (VRS), adeeg taleefan oo farriimuhu qoraal leeyihiin iyo waxyaabo kale, sii FEMA nambarka taleefankaaga ee loogu tala galay adeeggaas markii aad codsanayso.
Si aad u hesho xogtii u dambeysay booqo fema.gov/disaster/4720. Ka raac FEMA koontada Gobolka 1 Twitter twitter.com/FEMARegion1 ama bogga Facebook facebook.com/FEMA.
Si aad u hesho xogo badan oo cusub oo ku saabsan wax ka qabashada musiibada ee maamulka Vermont iyo samatabixinta, karaac Hayadda Maareynta Xaaladaha Degdegga ah ee Vermont twitter.com/vemvt Twitter iyo Facebook facebook.com/vermontemergencymanagement.
FEMA waxaa ka go’an xaqiijinta caawimaada musiibada in si siman loogu guuleysto, ayadoo uusan jirin takoor kusalaysan isir, midab, diin, jinsiyad, jinsi, da’, naafonimo, aqoonta qofku u leeyahay af Ingiriisiga ama xaaladda dhaqaale. Qof kastoo musiibada kabadbaaday ama xubin kastoo ka tirsan dadweynaha wuxuu la xiriiri karaa Xafiiska Xaquuqda Madaniga ah ee FEMA haddii uu dareemayo inuu dhibbane u noqday takoor. Xafiiska Xaquuqda Madaniga ah ee FEMA waxaa lacag la’aan looga waci karaa 833-285-7448. Luuqado badan ayaa lagula xiriiri karaa.