Ma Ceel, Foorno ama Nidaam Bullaacad baa Waxyeeloobay? FEMA ayaa Caawin Karta

Release Date Release Number
006
Release Date:
Luulyo 23, 2023

WILLISTON, Vt. – Haddii aad wayday biyo sababtuna aytahay in ceel gaar loo leeyahay ama nidaam bullaacad waxyeeloobay, ama haddii Nidmaakaaga HVAC ama foorno ay waxyeeleysay daadadkii dhawaa ee ka dhacay  Caledonia, Chittenden, Lamoille, Orange, Rutland, Washington, Windham ama gobolada Winsor, waxaad u qalmi karaysaa gargaarka FEMA.

Wixii la xiriira ceelal gaar loo leeyahay, Nidaamyada HVAC, foornooyin iyo nidaamyada bullaacadaha, FEMA waxey kaa magdhow siin kartaa qarashka farsamo-yaqaan xirfadeysan oo shatiyeysan inuu soo booqdo gurigaaga uuna diyaariyo qiyaasta dayactirada ama bedelaada nidaamkaaga ay masiibadu waxyeeleysay ee lagama maarmaanka ah.

FEMA waxey sidookale bixin karaysaa qarashka dhabta ah ee dayactirka ama bedelaada nidaamkaaga bullaacad ama ceelkaaga gaarka loo leeyahay, kuwaas oo aan ahayn waxyaabo la caymin kara. 

Haddii aad codsatay gargaarka FEMA waxaa lagaala soo xiriiri doonaa baaritaan guri, wac Leenka-Caawinta FEMA 1-800-621-3362 haddii aan laguula soo xiriirin ayna kasoo wareegatay wax ka badan 7-10 maalmood. Xiliga baaritaankaaga, ogeysii baaraha FEMA inaad leedahay ceel gaar loo leeyahay iyo/ama nidaam bullaacad oo waxyeeloobay. Haddii waxyeeladu la go'aamiyO inuu sababay daadadka,  waxaad u qalmi karaysaa gargaarka FEMA.

Haddii aad aalaaba lahayd baaritaan iyo waxyeelo ceel ama nidaam bullaacad oo aan lasoo tabin, wac Leenka-Caawinta FEMA si aad uga cusbooneysiisid waxyeelooyinkaaga. Fadlan ilaali bayaanada, qiyaasaha iyo rasiidhyada qandaraaslahaada. Waxaad ka eegi karaysaa warqada go'aanka FEMA ee aad heshay wixii macaluumaad dheeri ah ama hagitaan racfaano haddii aalaaba go'aan la gaaray.

Si aad isaga diiwaangelisid gargaarka FEMA, ka wac FEMA Leenka-Caawinta 1-800-621-3362, onleenka aad DisasterAssistance.gov ama lasoo dag Apka FEMA. Haddii aad isticmaashid adeega isku-duwida sida adeeg isku-duwid muuqaal (VRS), adeeg taleefon ee qoraal leh ama waxkale, usii FEMA taleefonkaaga adeegaas markaad codsaneysid.

Haddii aad ku nooshahay gobol aan la cayimin aadna leedahay waxyeelada, ka wac FEMA Leenka-Caawinta 1-800-621-3362 si aad u codsatid haddii gobolkaaga la cayimana, codsigaaga ayaa bilaabmi doona in laga shaqeeyo. 

FEMA waxaa ka go'an inay xaqiijiso gargaar musiibo ay weheliso sinnaan, takoor la'aan si ku salaaysan midab, kalar, dhalasho, jinsi, da', naafanimo, garashada Ingiriiska, ama xaalad dhaqaale.  Ka badbaade kasta ee musiibada ama xubin bulshada ah ayaa lasoo xiriiri karta Xafiiska Xuquuqda Rayidka ee FEMA haddii ay dareemaan iney yihiin dhibane takoor.  Xafiiska Xuquuqda Rayidka ee FEMA waxaa lagala soo xiriiri karaa si bilaash ah 833-285-7448. Waxaa diyaar ah hawlwadeeno dhowr luuqadood ku hadla.

Tags:
La cusbooneysiiyey markii ugu dambeysay