Fahamka Warqadaada FEMA

Release Date Release Number
003
Release Date:
Luulyo 19, 2023

BURLINGTON, VT – Vermont kuwaas oo codsaday caawin ka imaaneyso FEMA oo duufaanaha daran iyo fatahaada, Luuliyo 7, 2023 oo sii socoto, waxay ka helayaan warqad FEMA. Waxay dhihi kartaa inaadan u qalmin caawinta, laakin taas ma ahan diidmo.

Waa muhiim in loo aqriyo warqada si taxadar ah sababtoo ah waxaa ka mid noqonayo cadadka caawinta FEMA waxaa laga yaabaa inay bixiso iyo warbixinta oo isticmaal ku haboon oo lacagaha caawinta masiibada. Warqada ayaa sidoo kale sharaxeyso heerkaaga codsiga oo kaala talineyso waxa aad u baahantahay inaad sameysid si aad uga racfaan qaadatid go'aanka aan wanaagsaneyn.

Badanaa, waxaad u baahantahay kaliya inaad soo dirtid warbixin badan ama dokumentiyada taageero FEMA si loo sii wado dib u eegida arjigaaga oo caawinta dhaqaalaha ah. Tusaalooyinka dokumentiyada maqan waxaa ka mid noqon karo:

  • Cadeynta daboolida caymiska
  • Xalinta sheegashooyinka caymiska ama warqada diidmada ee ka imaaneyso bixiyahaaga caymiska
  • Cadeynta aqoonsiga
  • Cadeynta daganaanshaha 
  • Cadeynta milkiilanimada
  • Cadeynta oo in guriga waxyeeleysan uu ahaa deegaanka koowaad ee codsadaha ee waqtiga masiibada.

Haddii aad qabtid su'aalo ku saabsan warqadaada, ka soo wac Qadka Caawinta Masiibada 800-621-3362. Qubaro ayaa la heli karaa todoba maalmood isbuucii, 365 maalmood sannadkiiba, oo ay wehliso adeegyada fasiraada luuqada la heli karo. Haddii aad isticmaashid adeega qadka sida Adeegyada Qadka Muuqaalka (VRS), adeegyada taleefonka isgaarsiinta ama wax kale, sii FEMA lambarkaaga oo adeega markii aad codsaneysid.

Ka racfaan qaadashada Go'aanka FEMA

Haddii aad ku diidid go'aanka FEMA, ama cadadka caawinta lagu siiyay, waxaad soo gudbin kartaa warqada racfaanka iyo dokumentiyada taageerayo sheegashadaada, sida qiyaasta qandaraaslaha oo sameynada guriga. Waxaad haysataa 60 maalmood laga bilaabo taariiqda warqadaada go'aaminta FEMA si aad ugu soo dirtid FEMA racfaankaaga.

Sida sharciga qabo, FEMA kuma siin karto lacag markii illaha kale – caymiska, lacagaha yar ee kooxda ama caawinta dhaqaalaha ee ka imaaneyso hay'adaha iskaa wax u qabsiga – waxay dabooshay qarashaadka isla baahida la xiriirto masiibada. Sida kale haddii loo dhigo, FEMA bixin karto sameynada guriga haddii aad horaan lacago uga heshay shirkada caymiskaaga oo isla sameynada.

Si kastaba, kuwa caymiskooda hooseeyo ayaa laga yaabaa inay ka helaan caawin baahiyaha aan la buuxin kadib markii sheegashooyinka caymiska la xaliyo. Iaydoo FEMA laga yaabo inaysan u suurtogelin baahiyaha aasaaska, ma bixiso caawinta lagu daboolayo waxyaabaha caymiska laga jari karo.

Racfaanada waa inay ahaadaan qoraal ahaan oo warqad saxiixan oo taariiqeysan, sharax sababta (sababaha) racfaanka. Waa inay sidoo kale ku jirtaa: 

  • Magaca buuxo ee codsadaha 
  • Lambarka masiibada (DR-4720 -VT)
  • Ciwaanka deegaanka koowaad masiibada ka hor 
  • Ciwaanka iyo lambarka hadda ee codsadaha 
  • Lambarkaaga codsadaha ee sagaalka xaraf FEMA oo dhammaan dokumentiyada oo dhan ku yaalo

Haddii uu qof aan aheyn codsadaha ama qofka isla codsanayaan uu soo qoro warqada racfaanka, qofkaas waa inuu saxiixaa oo siiyaa FEMA bayaanka saxiixan ee u ogolaanayo qofka inuu matalo codsadaha. 

Racfaanada waa in boostada loogu soo diraa 60 maalmood gudahood ee ka bilaabaneyso taariiqda lagu qoray warqadaada go'aaminta FEMA. Waraaqaha racfaanka iyo dokumentiyada taageerayo waxaa lagu xareyn karaa akoonkaaga onleenka shaqsiga ah ee FEMA. Si aad u sameysatid akoon, booqo DisasterAssistance.gov oo raac tilmaamaha. 

Qaababka kale ee lagu xareeyo dokumentiyada waxaa ku jiro:

Boostada: FEMA National Processing Service Center, P.O. Box 10055, Hyattsville MD 20782-7055

Fakiska: 800-827-8112 Fiiro gaar ah: FEMA 

Wixii muuqaalka Luuqada Aastaanta Ameerikaanka oo sida loo codsado, booqo: www.youtube.com/watch?v=M1a6lYO5hgY 

Wixii warbixinta ugu dambeyso ee ku saabsan soo kabsiga Vermont ee duufaanada daran iyo fatahaada, booqo FEMA.gov/Disaster/4720. Waa inaad sidoo kale raacdaa facebook.com/FEMA.

Tags:
La cusbooneysiiyey markii ugu dambeysay