FEMA oo Booqaneysa Xaafadaha Maxaliga ah si ay u Caawiso Ka-badbaadayaasha Duufaan

Release Date Release Number
DR-4777-OH NR-07
Release Date:
May 13, 2024

COLUMBUS - Kooxaha Gargaar Ka-badbaade Musiibo (DSA) ee ka socda FEMA waxey joogi doonaan laba todobaad si ay u caawiyaan bulshooyinka ay saameysey duufanadii 14 Maarso. Kooxuhu waxey ka caawin doonaan dadka degan iney dhex-maquurtaan nidaamka gargaarka. Kooxaha DSA waxey ka bilaabmi doonaan goobaha gobolka Logan waxey u dhaqaaqi karaan goobaha kale ee saamoowey todobaadyada soo socda.

Shaqaalaha DSA ayaa booqanaya bulshooyinka loo magacaabey goobo musiibo federaal ah si ay u caawiyaan milkiiliyaasha guri iyo kireystayaasha iney codsadaan FEMA ayna si degdeg ah u aqoonsadaan waxna uga qabtaan baahiyaha degdega ah oo soo baxaya. Waxey sidookale bixiyaan wixii kasoo cusboonaada xaalad codsi iyo u gudbino la xiriira kheyraadyo dheeri ah ee bulsho.

Kooxaha DSA waligooda kuma waydiin doonaan ama ma aqbali doonaan lacag waxeyna had iyo jeer xiran doonaan astaanta aqoonsiga FEMA oo leh sawir. Shaati FEMA, garan ama jaakad ma ahan caddeyn aqoonsi. Inta ay qof ka caawinayaan inuu codsado, waxey waydiin doonaan macluumaad gaar ah, ay ku jiraan lambarka amniga bulsho, dhaqaalaha sannadlaha iyo macluumaad bangi. Dadka degan waxaa lagu dhiirigeliyaa iney waydiiyaan aqoonsi kahor intaaney bixinin wax macluumaad gaar ah. Waxey sidookale wici karaan qadka-wicitaanka FEMA 800-621-3362 si ay u xaqiijiyaan sharci ahaanta booqasho FEMA ah..

Milkiiliyaasha iyo kireystayaasha jooga gobolada Auglaize, Crawford, Darke, Delaware, Hancock, Licking, Logan, Mercer, Miami, Richland iyo Union oo leh qasaaro musiibo-la-xiriirta aan la caymin ama leh caymis gabaabsi ah ee ka timaada duufaanadii 14 Maarso ma ahan iney sugaan kooxaha DSA si ay u codsadaan gargaar. Si aad u codsato, booqo DisasterAssistance.gov, lasoo dag abbka moobeelka FEMA ama wac 800-621-3362. Haddii aad isticmaashid adeega isku-duwida muuqaal (VRS), adeeg taleefon ee qoraal leh ama waxkale, usii FEMA taleefonkaaga adeegaas markaad codsaneysid.

Xog dheeraad ah ee ku saabsan hawsha kasoo-kabasho musiibo ee Ohio, booqo www.fema.gov/disaster/4777.

Tags:
La cusbooneysiiyey markii ugu dambeysay