Marka ya masiibooyinku dhacaan ka dib waxa jira waxyaalo khalad laga fahmay caawimada dawladda federaalku ay bixinayso waxay ka hayn doontaa dadka musiibadu ay saamaysay inay caawimo waydiistaan dawladda. Hel xaqaa'iqda hoos ku xusan si aad u ogaato caawimada la siinayo dadka degen Vermont ee masiibada jawiga ay saamaysay. Hage wanaagsan: Codso haddii xitaa aanad hubin in lagu caawin doono iyo in kale.
FEMA waxay dhawaan dib u eegtay barnaamijka caawimada si ay u caawiyaan dadka ay masiibadu saamaysay si dhakhso leh. Isbeddeledaasi waxay khuseeyaan masiibooyinka dhacay Maarso 22,2024 kadib.
Khuraafo: FEMA ma bixin doonto caawimo maaliyadeed oo lagu hagaajinayo guryaha hore u sii kharibnaa.
Xaqiiqo: Haddii aad guri leedahay oo aad gurigaaga joogtay wakhtigii ay masiibadu dhacday, laga yaabaa in laguu oggolaado inaad hesho caawimo si aad gurigaaga u hagaajiso, alaabta iyo dhismaha hoose ee gurigaaga ama in gurigaagii hore mid kale laguugu beddelo haddii uu gurigaagu dumay. Lacagtu waxay sidoo kale kaa caawin kartaa hagaajinta meelaha gurigaaga ka kharibmay haddii xitaa masiibada ka hor ay sii xumaayeen.
Khuraafo: FEMA ma bixiso caawimo guri dadka ay musiibadu saamaysay.
Xaqiiqo: Barnaamijka caawinta dadka barakacay faa'iidada ay leedahay waa caawinta guri ee dedgdega ah haddii aad gurigaaga ku noqon karin wakhtiga hadda la joogo masiibada dhacday awgeed. Lacagta waxaa loo isticmaali karaa in hudheel lagu dago, qoyska iyo asxaabta, ama waxyaabaha kale inta aad raadinayso guri kiro ah.
Khuraafo: Haddii aan caymis haysto, FEMA ima caawin doonto.
Xaqiiqo: Haddii aad lacag ka heshay caymiska oo aanay lacagtaasi daboolin kharashka hagaajinta guriga xumaaday, laga yaabaa inaad caawimaad ka hesho FEMA.
Xasuusnow, caawimada aad ka helayso FEMA uma dhiganto guri cusub, guri kiro cusub ama caymiska daadka, mana dabooli doono khasaaraha ay masiibadu keentay oo dhan.
Khuraafo: Waa inaan codsado amaahda (SBA) Maamulka ganacsiga yar ee Maraykanka intaan la i caawin.
Xaqiiqo: Hadda waxaad leedahay ikhtiyaar inaad codsato amaahda SBA isku wakhtiga aad codsanayso caawinta FEMA.
Haddii aad rabto xog dheeraad ah ee ku saabsan socdaalka caawimaadda shakhsiyaadka, fadlan booqo dib u habaynta caawinta shakhsiyaadka.
Khuraafo: Waa inaan qoraa warqad si aan rafcaan uga qaado go'aanka FEMA.
Xaqiiqo: Haddii aanad ku qancin go'aanka FEMA oo aad rabto inaad rafcaan samayso, uma baahnid inaad waraaq rafcaan ku lifaaqdo dhukumintiga loogu talogalay inuu kaa caawiyo. Waxaad rafcaan kaga dhigan kartaa go'aanada FEMA ama qaddarka abaalmarinta adigoo diraya dhukumintiyada tusaya inaad u qalanto caawimaad dheeraad ah sida qiimaynta samayska, risiidyada, warqadaha biilka, iwm. Go'aan kasta oo waraaq ahaan loo qoray oo aad ka hesho FEMA waxay sharaxaysaa nooca dhukumintiyada aad rafcaan ahaan ugu isticmaali karto go'aanka FEMA ee nooca caawimada. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan sida rafcaanka loo qaato, fadlan booqo: Sida Racfaan looga qaato Go'aanka FEMA | FEMA.gov
Khayaali: Wicista 211 waxay si toos ah iigu diiwaan geliyeen kaalmada FEMA.
XAQIIQADA: Codsiga FEMA kuma xidhna 211. Haddii aad dhaawac qabto, waa inaad u soo sheegtaa 211 oo aad codsato gargaarka FEMA.
Si aad u codsato gargaarka FEMA, booqo mid ka mid ah Xarumaha Soo-kabashada Musiibada - goobaha iyo saacadaha ayaa laga heli karaa fema.gov/drc. Si aad u codsato, booqo DisasterAssistance.gov, soo deji FEMA abka ama wac 800-621-3362. Haddii aad isticmaasho adeegga gudbinta sida adeegga gudbinta fiidiyowga (VRS), adeegga taleefanka qoraalka ah ama kuwa kale, sii FEMA lambarkaaga adeeggaas markaad dalbato.
211 waxa maamula xafiiska maamulka Vermont. Wuxuu la xidhiidhiyaa macaamiisha xarumaha adeega caafimaad, shaqaalaynta, cuntada iyo adeegyada bulshadeed ee kale. Markay dadka soo wacaya ay ka warbixiyaan waxyaalaha xumaaday,211 waxay uga sii warbixinaysaa gobolka, taasi oo gobolka ka caawinaysa inay lacagaha meelaha loogu talogalay ay u diraan.