Inkastoo taariikhda kama dambeysta ee lala diiwaangashto FEMA ay u dhaaftay Nofeembar 25 kuwa ay saameysey duufaanadii darnaa ee Luulyo, wakiilada hay'adda ayaa wali u jooga iney ka jawaabaan su'aalo kana caawiyaan dadka degan Vermont iney dhamestiraan codsiyadooda. Hay'ada ayaa sidookale ku dhiirigelineysa codsadayaasha iney dad soo wargeliyaan, gaar ahaan haddii ay bedeleen cinwaankooda ama cusbooneysiisyo kale ku sameeyeen codsiyadooda.
Si aad u cusbooneysiiso codsigaaga ama aad jawaabo ugu heshid su'aalo, ka wac qadka caawinta FEMA 1-800-621-3362. Khadadka taleefonka ayaa shaqeeya laga bilaabo 7 a.m. ilaa 10 p.m. (wakhtiga aagaaga), todobo maalmood asbuucii. Gargaar ayaa diyaar ku ah inta badan luuqadaha. Haddii aad isticmaashid adeega isku-duwida, adeeg taleefon ee qoraal leh ama waxkale, usii FEMA taleefonkaaga adeegaas.
Dadka degan Vermont ayaa u qalmay iney codsadaan ku-dhawaaqyo kala gedisan ee laba musiibo. Tan kowaad waxey dhacday Luulyo 9-11, ee gobolada la cayimay ee Addison, Caledonia, Chittenden, Essex, Lamoille, Orleans iyo Washington. Dhacdada labaad waxey Luulyo 29-31 ka dhacday gobolada la cayimay ee Caledonia, Essex iyo Orleans.
Dadka degan Vermont oo ay saameysey labada duufaano ee Luulyo waxaa looga baahnaa iney u gudibiyaan codsiyo kala ah dhacdo kasta.
Kuwa aan codsan kahor taariikhda kama dambeysta oona wali raba iney is-qoraan waa iney gudbiyaan cudur-daar sababta ay u waayeen. Cudur-daar waxaa kamid ahaan kara: diiwaan ah isbitaal dhigis, xanuun, ama naafanimo codsadaha ama xubin qoys oo u dhow; dhimasho xubin qoys oo u dhow; ama caddeyn safar shakhsiyeed ama shaqo oo ka reebay codsadaha inuu ka maqnaado goobta mudada buuxda ee codsiga.
Takhasusyahnada gargaarka FEMA waxey sii wadayaan iney sii daba galaan codsadayaasha si ay u xaqiijiyaan iney helayaan dhammaan maalgelinta taas oo loo qoondeeyey. Ilaa hadda, wadarta 2,282 ee codsadayaal oo loo diiwaangeliyey dhacdadii Luulyo 9-11, FEMA waxey dabagashay 1,706 waxeyna ansixisey $1.4 million oo dheer ah. Dhacdadii Luulyo 29-31, takhasusyahanada waxey gaareen 245 ee wadarta 313 ka duwan-gashan waxeyna ansixiyeen $220,000 oo dheeri ah.
Nofeembar 25, dadka degan Vermont ee uu saameeyey daadka Luulyo waxey heleen gargaarka soo socda:
- Mudada dhacdada Luulyo 9-11, in ka badan $9.1 million ayaa la ansixiyey.
- $5,395,139 loogu talagalay Gargaar Guriyeyn
- $3,253,144 loogu talagalay Baahiyaha Kale
- $505,500 loogu talagalay deymaha ribacoodu hooseeyo ee laga helo Maamulka Ganacsiga Yar ee Mareykanka
(SBA)
- Mudada dhacdada Luulyo 29-31, in ka badan $1.2 million ayaa la ansixiyey.
- $728,185 loogu talagalay Gargaar Guriyeyn
- $477,183 loogu talagalay Baahiyaha Kale
- $31,200 loogu talagalay deymaha ribacoodu hooseeyo ee laga helo SBA