ST. PAUL – FEMA/Xarumaha Kasoo kabashada Musiibada Gobolka waxaay furmi doonaan Jimcaha, Sibteember 13 ilaa Jimcaha, Sibteembar 27, 2024, ee magaalooyinka Waseca iyo Windom si ay uga caawiyaan dadka deegaanka in ay bilaabaan kasoo kabashadooda kadib duufaannadii ba'naa iyo fatahaadihii Juun 16 – Luulyo 4.
Khabiiro ka socda FEMA, gobolka Minnesota iyo Maamulka Ganacsiga Yaryar ee Maraykanka ayaa joogi doona xarumaha si ay u caawiyaan badbaadayaasha inay codsadaan kaalmada musiibada fadaraalka, soo geliyaan dukumeentiyada, in su'aalahooda shakhsiyadeed looga jawaabo, helaan noocyada kale ee caawimada laga yaabo in la heli karo islamarkaana ay bartaan siyaabo si ay hantidooda uga dhigaan kuwo u adkaysta masiibada.
Xarumahan waxaa laga furi doonaa meelaha soo socda, maalmaha, iyo saacadaha:
Dhismaha Xafiiska Degmada Cottonwood 41385 U.S. Hwy 71, Windom, MN 56101, Saacadaha: Isniin. – Jimce. 9-ka subaxnimo – 6:30 fiidnimo, Sabti. 9-ka subaxnimo – 4-ta galabnimo. Axadaha way xiran yihiin
Xarunta Badbaadada Dadweynaha ee Waseca 303 S. State St., Waseca, MN 56093, Saacadaha: Isniin. – Jimce 9-ka subaxnimo – 6:30 fiidnimo, Sabti. 9-ka subaxnimo – 4-ta galabnimo. Axadaha way xiran yihiin
Xarumahani waxay si joogto ah u xirmi doonaan Jimcaha, Sibteembar 27, 2024.
Xarumo dheeraad ah ayaa ka furan gobolka oo dhan. Si aad u hesho xarunta kuugu dhow, booqo FEMA.gov/DRC. Badbaadayaashu waxay booqan karaan xarun kasta si loo kaalmeeyo.
Badbaadayaasha musiibooyinka ee aan weli codsan kaalmada FEMA waa inay ka dalbadaan barta onlaynka ee DisasterAssistance.gov, ka isticmaalaan Abka FEMA telefoonkaaga, booqo Xarunta Ksoo kabashada Musiibooyinka mise wac 800-621-3362. Haddii aad isticmaasho adeegga gudbinta sida adeegga gudbinta fiidiyowga, adeegga taleefanka qoraalka ah ama kuwa kale, sii FEMA lambarkaaga adeeggaas markaad dalbato.
Xilliga kama dambaysta ah ee lagu codsanayo FEMA waa Sibteembar 27, 2024. Xitaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan hawlgalka soo kabashada musiibada ee Minnesota booqo www.fema.gov/disaster/4797.