Xarumo Kasoo-kabasho Musiibo ee FEMA ayaa laga furayaa Gobolada Auglaize iyo Logan

Release Date Release Number
DR-4777-OH NR-05
Release Date:
May 11, 2024

COLUMBUS - Xarumaha Kasoo-kabasho Musiibo ee FEMA ayaa laga furayaa Isniin, May 13 gobolada Auglaize iyo Logan si looga caawiyo dadka degan iney gogol xaaraan soo kabashadooda kadib duufanadii 14 Maarso.

Takhasusyahno ka socda FEMA iyo Maamulka Ganacsiga Yar ee Mareykanka ayaa joogi doona xarumaha si ay uga caawiyaan badbaadayaasha iney codsadaan gargaar musiibo ee federaal, soo geliyaan dukumintiyo, wax ka bartaan qaabab uga dhigaan guriyahooda kuwo u adkeysta musiibo, oona su'aalahooda si waji-ka-waji ah looga jawaabo.

Xarunta Gobolka Logan waxey ka furmi doontaa goobta, maalmaha iyo saacadaha soo socoda: Galilee Lutheran Church   Kaniisada Galilee Lutheran

301 Lincoln Blvd. 

Russells Point, OH 43348

Saacadaha: Isn. - Sab. 7:30 a.m. – 5 p.m., xiran Axadaha

 

Xarunta Auglaize waxey si ku meel-gaar ah uga furmi doontaa goobta, maalmaha iyo saacadaha 

soo socoda: Fairbanks Center at Cross Oak Camp & Retreat Center     Xarunta Fairbanks ee ku taala Cross Oak Camp & Retreat Center

272 Jack Oak Point Rd.

St. Marys, OH 45885

Saacadaha: Isn. May 13 - Sab. May 18, 7:30 a.m. – 6:30 p.m. Xarunta way xirmi doontaa Sabti, May 18 xiliga 6:30 pm.

 

Xarumaha soo-kabasho ee deeriga ah waxey dhawaan ka furmi doonaan gobolada saamoowey. Si aad u heshid xarunta kuugu dhow, booqo fema.gov/drc. Badbaadayaasha waxey booqan karaan goob kasta si la xiriirta gargaar.

Gargaar luuqado aan ka ahayn English, ay ku jirto luuqada dhagoolaha ee Mareykanka, iyo agabyada la fasirey ayaa ku diyaarsan xarumahan. Goobaha Kasoo-kabashada Musiibo ayaa loo xushey marin u helidooda, iyadoo u jeedku yahay in la gaaro inta ugu badan dad ee macquul ah. Goobo baarkino oo marin loo helo ayaa ku diyaarsan dhammaan xarumaha.

Badbaadayaasha uma baahna iney booqdaan Xarun Kasoo-kabasho si ay u codsadaan gargaar FEMA ah. Si aad u codsatid adigoon booqan xarun,  onleenka aad DisasterAssistance.gov, lasoo dag abbka moobeelka FEMA ama ka wac FEMA Qadka-Caawinta ee 800-621- 3362. Haddii aad isticmaashid adeega isku-duwida sida adeeg isku-duwid muuqaal, adeeg taleefon ee qoraal leh ama waxkale, usii FEMA taleefonkaaga adeegaas markaad codsaneysid.

Xog dheeraad ah ee ku saabsan hawsha kasoo-kabasho musiibo ee Ohio, booqo www.fema.gov/disaster/4777.

Tags:
La cusbooneysiiyey markii ugu dambeysay