Dadka Daggan Dagmooyinka Orange ee California ee Iminka Xaqa u Yeesha Kaalmada FEMA

Release Date Release Number
005
Release Date:
Luulyo 22, 2023

WILLISTON, Vt. – Waxaa iminka la heli karaa maal gelinta Federaalka si loo kaalmeeyo dadka ku sugan labo dagmo dheeraad ah oo ku yaal Vermont si ay uga kabsadaan duufaanada darran, fattahaadda, dhul guurka iyo carro guurka laga bilaabo Luulyo 7, 2023 iyo kaddib.

Dadka daggan dagmooyinka Caledonia iyo Orange, kuwa ay khasaarada ka soo gaartay guryahooda ama hantidooda gaarka, waxay FEMA ka dalban karaan kaalmada musiibada. Goor dambe waxaa lagu darri karaa dagmooyin dheeraad ah haddii gobolka soo codsado kaddibna natiijadaha dalbadaan in qiimeyn dheeraad ah lagu sameeyo khasaarada.

Labadaan dagmo waxay dheeraad ku yahiin lexda dagmo ee horay lagu tilmaamay in la siiyo Kaalmada Qofka: Chittenden, Lamoille, Rutland, Washington, Windham iyo Windsor.

Kaalmada waxaa ka mid ah deeqda guryaha ku meel gaarka iyo hagaajinta guriga, deynta korsaarka yar oo lagu bixiyo khasaarada hantida aan ceymiska ku jirin iyo brograamyada kale ee loogu talogalay in lagu kaalmeeyo dadka iyo milkiileyaasha ganacsiyada si ay uga soo kabsadaan waxyeelada musiibada.

Si aad u dalbatid kalmo, wac Khadka Kaalmada FEMA (FEMA Helpline) ee lagala xariiro 800-621-3362 inta u dhexeyso 7 a.m. iyo 11 p.m.; kala xariir internetka DisasterAssistance.gov; ama soo dagso FEMA App. Haddii aad isticmaashid adeegga lalliska sida adeegga lalliska fiidiyowga (VRS), adeegga telefoonka la raaciyo qoraalka ama wax kale, waxaad FEMA siisaa nambarkaada adeeggaas marka aad dalbatid. 

Si aad u heshid macluumaadka ugu dambeeyo ee ku saabsan dib u soo nooleynta Vermont, fadlan booqo fema.gov/disaster/4720. La soco xisaabta FEMA Gobolka 1aad ee laga helo Twitterka twitter.com/FEMARegion1, bogga Faceboogga FEMA ee laga helo facebook.com/FEMA, ama Wakaaladda Maamulka Degdegga Vermont (Vermont Emergency Management Agency) ee laga helo Twitterka twitter.com/vemt iyo laga helo Faceboogga facebook.com/vermontemergencymanagement.

Tags:
La cusbooneysiiyey markii ugu dambeysay