Ka taxadar Been abuurka iyo Qiyaanada

Release Date Release Number
002
Release Date:
Luulyo 16, 2023

Masiibooyinka waxay keenaan dambiilayaal oo raadinayo inay ugaarsadaan badbaadayaasha u muuqdo inay u yihiin bartilmaameedyo fudud qiyaanadooda.

Badbaadayaasha waa inay la socdaan in been abuurka iyo qiyaanada ay ku dhici karto xili walba. FEMA waxay ku dhiiro gelisaa badbaadayaasja inay ka taxadaraan oo ay soo sheegaan howl walboo laga shakiyay ama been abuurka ka imaan karo fanaaniinta qiyaanada, aqoonso tuugada iyo dabiilayaasha kale.

Qof walba oo ka shakiyo been abuur ama qiyaano waa inuu soo wacaa Qadka Been abuurka Masiibada FEMA ee 866-720-5721, TTY soo wac 711. Lambarka taleefonka bilaashka ah wuxuu furanyahay 24 saacadood maalinkii.

Xeeladaha caadiga ah ee ay adeegsadaan fannaaniinta qiyaanada waxaa ka mid ah wacitaanada taleefonka ee ka imaanayo dadka sheeganayo inay u shaqeeyaan FEMA. Soo wacaha ayaa weydiin karo badbaadayaasha lambarka Amniga Bulshada, warbixinta daqliga ama bangiga.

Badbaadayaasha waa inaysan marnaba aaminin qof sheeganayo inuu yahay shaqaalaha caawinta masiibada oo lacag ku weydiinayo. FEMA ma taageerto ganacsi walba, badeecad ama adeeg, iyo shaqaalaha caawinta masiibada deegaanka iyo faderaalka ma dalbadaan ama ma aqbalaan lacag.

Caawinta soo kabsiga masiibada waxaa la helaa iyadoon laga eegin jinsiyada, midibka, diinta, asalka dhalashada, jinsiga (oo ay ku jiraan dhibaateynta galmada), dooqa galmada, da'da, naafonimada, aqoonta af Ingiriiska xadidan, ama heerka dhaqaalaha. Haddii aad aaminsan tahay in xuquuqdaada rayidka lagu xadgudbay, waxaad wici kartaa khadka Illaha Xuquuqda Rayidka ee 833-285-7448.

Si aad u heshid warbixinta ugu dambeyso booqo fema.gov/disaster/4720. La soco akoonka FEMA Region 1 ee Twitter twitter.com/FEMARegion1 ama bogga Facebook ee FEMA facebook.com/FEMA.

Wixii ku soo kordha jawaabta Vermont iyo soo kabashada, la soco Wakaaladda Maareynta Deg-degga ah ee Vermont twitter.com/vemvt ee Twitter iyo Facebook facebook.com/vermontemergencymanagement.

Tags:
La cusbooneysiiyey markii ugu dambeysay