Dadka degan Vermont oo ay saameysey duufaanadii, daadkii, dhul-simbirixii, iyo dhooqo-guurkii darnaa ee Luulyo waxey haystaan ilaa 10 p.m. ee Isniin, Nofeembar 25 iney ku codsadaan gargaar musiibo ee federaal, taas oo ay ku jiri karto deeqaha FEMA ee lagu dayactiro guriyaha laguna bedelo guriyaha.
News, Media & Events: Vermont
Preparedness Tips
Press Releases and Fact Sheets
Xarumaha Kasoo kabasho Musiibo (DRC) ee ku yaala Hinesburg Town Hall (on Route 10632) iyo kuwa Lyndon Public Safety Facility (316 Main Street) ayaa loo jadwaleeyey iney si abid ah u xirmaan markay tahay 6 p.m. ee Sabtida, Nofeembar 23. Saacadaha shaqada ee xarumaha ilaa xiligaas waa 9 a.m ilaa 6 p.m.
Inkastoo taariikhda kama dambeysta ee lala diiwaangashto FEMA ay u dhaaftay Nofeembar 25 kuwa ay saameysey duufaanadii darnaa ee Luulyo, wakiilada hay'adda ayaa wali u jooga iney ka jawaabaan su'aalo kana caawiyaan dadka degan Vermont iney dhamestiraan codsiyadooda. Hay'ada ayaa sidookale ku dhiirigelineysa codsadayaasha iney dad soo wargeliyaan, gaar ahaan haddii ay bedeleen cinwaankooda ama cusbooneysiisyo kale ku sameeyeen codsiyadooda.