Dooqyada FEMA loogu Xaqiijiyo Aqoonsigaaga

Release Date:
Ogosto 4, 2023

Markaad codsatid gargaar musiibo, FEMA waa iney xaqiijisaa aqoonsigaaga si ay u xaqiijiso inaad heshid gargaarka aad u-qalantid. Haddii FEMA aynan awoodin iney ka xaqiijiso aqoonsigaaga diiwaanka dadweynaha, waxaa lagaaga baahan karaa inaad gudbisid dukumintiyo dheeri ah.

Dukumintiyada la Aqabali karo si loo Xaqiijiyo Aqoonsi

Si loo xaqiijiyo aqoonsigaaga, u dir FEMA nuqulaha:

  • Dukumintiyada laga helo Maamulka Amniga Bulshada, ama hay'ad kale ee federaalka oo muujinaya Lambarkaaga Amniga Bulsho;
  • Aqoonsi federaal ama gobol-bixiyey IYO Kaadhka Amniga Bulsho;
  • Dukuminti lacag-bixin shaqaaleysiiye oo keydinaya SSN-kaaga oo buuxa;
  • Aqoonsi militari;
  • Shatiga guurka (si loo xaqiijiyo magaca xaaska); ama
  • Baasaboor Mareykan ah.

Haddii aad codsaneysid adigoo metala cunug muwaadin Mareykan ah ee ka hooseeya 18, u dir FEMA waxa soo socda:

  • Mid walbo oo kamida dukumintiyada kor lagu xusey, haddii magac cunugu kujiro; ama
  • Shahaadada dhalashada cunuga IYO nuqul kaarka Amniga Bulsho, ama dukumintiyo laga helo Maamulka Amniga Bulshada ama hay'adaha kale ee federaalka oo keydiya SSN-ka cunuga oo buuxa ama afarta lambar ee ugu dambeeya.

Sida loo Gudbiyo Dukumiintiyadaada

Dhammaan dukumintiyada waxaa loogu diri karaa FEMA mid kamid ah qaababka soo socda:

  • Soo geli koontadaada DisasterAssistance.gov ;
  • Boosto ugu dir: Xarunta Ka-shaqeynta Qaranka ee FEMA, P.O. Box 10055, Hyattsville, MD 20782-7055;
  • Fakis udir 800-827-8112; ama,
  • Waji-ka-waji ugu gudbi Xarun Kasoo-kabashada Musiibo: Si aad u heshid xarun kuu dhow, booqo fema.gov/drc.

FEAM waxaa ka go'an inay xaqiijiso gargaar musiibo ay weheliso sinnaan, takoor la'aan si ku salaaysan midab, kalar, diin, dhalasho, jinsi, da', naafanimo, garashada Ingiriiska, ama xaalad dhaqaale. Ka badbaade kasta ee musiibada ama xubin bulshada ah ayaa lasoo xiriiri karta Xafiiska Xuquuqda Rayidka ee FEMA haddii ay dareemaan iney yihiin dhibane takoor. Xafiiska Xuquuqda Rayidka ee FEMA waxaa lagala soo xiriiri karaa si bilaash ah 833-285-7448. Waxaa diyaar ah hawlwadeeno dhowr luuqadood ku hadla.

Tags:
La cusbooneysiiyey markii ugu dambeysay