Island Pond Xarunta Ka soo kabashada Musiibada oo la Xidhi doono Oktoobar 12, New DRC oo laga Furi doono Newport October 16

Release Date Release Number
016
Release Date:
Oktoobar 11, 2024

Iyadoo ay isku dubaridayaan gobolka iyo la-hawlgalayaasha maxaliga ah, waxaanu si rasmi ah u xidhi doonaa Xarunta Kasoo-kabashada Musiibada (DRC) ee Island Pond saacadu marka ay tahay 6 p.m. ee Sabtida, Oktoobar 12, 2024 

Xaruntan ayaa haatan la furaa 9 a.m ilaa 6 p.m. Isniin ilaa Sabti oo ku taala:

  • Brighton Town Hall Gym - 49 Mill Street, Island Pond, VT 05846

Xidhitaanka xarumahan ku meel gaadhka ah oo ay isku dubarideen gobolka iyo la-hawlgalayaasha maxaliga ah ayaa guud ahaan ku saleysan mugga/tirada soo-booqdayaasha iyo baahiyaha bulshada.

A DRC cusub ee Newport ayaa loo dajiyay in la furo Arbacada, Oktoobar 16, 2024. Dhaqangalaysa Oktoobar 16, xaruntan cusub ayaa furnaan doonta 9 a.m. ilaa 6 p.m. Isniin ilaa Sabti ku taala:

  • Newport City Municipal Building - 222 Main Street, Newport, VT 05855

Xidhitaanada Fasaxa Federaalka

Xarumaha Kasoo-kabasahda Musiibada ee Vermont ayaa la xidhi doonaa Isniin, Oktoobar 14 ee Xuska Maalinta Dadka Asalka/Dhaladka ah iyo Maalinta Columbus.  Waxay dib u furmi doonaan Salaasa, Oktoobar 15 oo furnaan doonta saacadaha caadiga ah.

Dadka reer Vermont ee ay saameeyeen labadaba ee duufaanada July ayaa booqan kara Xarunta Kasoo-kabashada si ay taageero qof-ka-qof ah uga helaan FEMA iyo Maamulka Ganacsiyada Yar-yar ee Maraykanka. Si aad u hesho cusboonaysiintii-ugu-danbeysa ee goobaha iyo saacadaha, booqo fema.gov/drc. 

Waxa sidoo kale jira sadex wado oo kale si aad u codsato kuwaasoon u baahneen xarun booqashada: 

Tags:
La cusbooneysiiyey markii ugu dambeysay