Luulyo 1 waa Maalinta ugu Dambeysa ee la Codsado Gargaar Federaal

Release Date Release Number
22
Release Date:
Juun 27, 2024

COLUMBUS - Milkiiliyaasha iyo kireystayaasha oo leh qasaaro ama waxyeelo la xiriirta musiibo ka timaada duufaanadii 14 Maarso ee jooga gobolada Auglaize, Crawford, Darke, Delaware, Hancock, Licking, Logan, Mercer, Miami, Richland iyo Union waxaa keliya u harsan dhowr maalmood oo dheeri ah iney codsadaan gargaar laga helo FEMA iyo Maamulka Ganacsi Yar ee Mareykanka (SBA). Luulyo 1 waa maalinta ugu dambeysa ee aad xareyn karto codsi.

Looma baahna in la sugo. Dadka leh waxyeelo ama khasaaro uma baahna iney sugaan qiyaaso qandaraasle ama xalino caymis si ay u codsadaan. Xaqiiqdii, waa inaadan suginba. Waxaad u baahantahay inaad xareysid codsigaaga ugu dambeyn Luulyo 1, xitaa haddii codsigaas uu u baahan doono macluumaad ama dukumintiyeyn dheeri ah.

FEMA iyo caymis. FEMA mala jibaari karto lacag-bixinada caymis, laakiin FEMA waxey kaa caawin kartaa kharashka aynan daboolin shirkadaada caymiska. Nooc walba ee gargaar, FEMA waxey eegi doontaa lacag-bixinta caymiskaaga waxeyna barbardhigi doontaa khasaaraha ama waxyeeladada la xaqiijiyey. 

Codso hadda. Dadka waxey aadi karaan onleenka DisasterAssistance.gov, lasoo dag abbka moobeelka FEMA ama ka wac FEMA Qadka-Caawinta ee 800-621-3362- 3362. (Haddii aad isticmaashid adeega isku-duwida sida adeeg isku-duwid muuqaal, adeeg taleefon ee qoraal leh ama waxkale, usii FEMA taleefonkaaga adeegaas.) FEMA waxey deeqo u siisaa huteel-degis ku-meel-gaar ah, dayactiro guri ee aasaasi ah ama kharashaadyo kale ee musiibo la xiriira sida dayactir ama bedelitaan gaari aasaasi ah, kharashaadyo caafimaad, kharashyo guuritaan ama keydin, iyo alaabo qoys oo muhiim ah.

Deymaha Musiibo. Kadib markaad codsato Gargaar FEMA, uma baahnid inaad sugto inaad deyn ka codsatid SBA. Uma baahnid inaad waysid caawin SBA ah ee quseysa kharashaadyada musiibo la xiriira oo aaney deeqaha FEMA daboolin. Kharash kuma fadhido in la codsado, qasabna kuuguma ahan inaad aqabsho deyn haddii laguu ansixiyo. Milkiiliyaasha guri, kireystayaasha, ganacsiyada iyo ururo qaar oo aan macaash-doonka ahayn ayaa wax badan ka baran kara Deymaha Musiibo ee Muuqda ee ribaca-hooseeya ee SBA ee wax ka qabanaya dayactirka iyo bedelida hantida musiibo-waxyeeleysey, iyadoo aadaya onleenka www.sba.gov/funding-programs/disaster-assistance.

Kadib Luulyo 1. Khubarada FEMA waxaa laga heli karayaa 800-621-3362 si ay kaaga caawiyaan - baarida xaalada codsi, cusbooneysiinta macluumaad codsi, caddeyn ku saabsan waraaqaha laga helo FEMA. Waxaad sidookale booqan kartaa akoonkooda DisasterAssistance.gov si aad wax uga barto xaalada codsigooda, u cusbooneysiio macluumaadkaada, una gudbiso dukumintiyo dheeri ah, sida warqada xalinta caymis.

Tags:
La cusbooneysiiyey markii ugu dambeysay