COLUMBUS - Xarunta Soo-kabasho Musiibo FEMA ee Gobolka Logan waxey si buuxda u xirmi doontaa 6:30 p.m Arbaco, Juun 26. Xarunta soo-kabashada, takhasusyahano ka socda FEMA, Maamulka Ganacsi Yar ee Mareykanka (SBA) ayaa kaa caawin karaa inaad codsato gargaar, soo gelisid dukumintiyo, loogaaga jawaabo su'aalahaada kuna siiyaan macluumaad ku jira kheyraadyada la heli karo. Xarunta Kasoo-kabasho Musiibo waxey ku taalaa:
Indian Lake EMS District Building
280 N. Oak St.
Lakeview, OH 43331
Saacadaha: 9:00 a.m. – 6:30 p.m., Isniin - Sabti, Xiran Axadaha.
Caawin ayaa Wali la Heli karaa
In kastoo xarunta soo-kabasho xirmeyso, khubarada FEMA ayaa wali joogi doona si ay kuu caawiyaan. Dadka degan Ohio ayaa la hadli kara khubarada FEMA iyagoo ka wacaya qadka-caawinta 800-621-3362 si ay u cusbooneysiiyaan macluumaadka codsiga, u baartaan xaalada codsigooda, u helaan cadeyn ku aadan waraaqada FEMA ka yimaada loogana jawaabo su'aalahooda. Codsadayaasha ayaa waxey sidookale booqan karaan borofaylkooda DisasterAssistance.gov si ay wax uga bartaan xaalada codsigooda, u cusbooneysiiyaan macluumaadkooda, una gudbiyaan dukumintiyo dheeri ah.
Taariikhda kama dambeysta Codsiga waa Luulyo 1
Milkiiliyaasha iyo kireystayaasha oo leh qasaaro ama waxyeelo caymis gabaabsi ah leh oo la xiriirta musiibo ka timaada duufaanadii 14 Maarso ee jooga gobolada Auglaize, Crawford, Darke, Delaware, Hancock, Licking, Logan, Mercer, Miami, Richland iyo Union waxay haystaan ilaa Isniin, Luulyo 1 iney codsadaan gargaar laga helo FEMA iyo SBA.
Si aad u codsatid adigoon booqan xarun, onleenka aad DisasterAssistance.gov, lasoo dag abbka moobeelka FEMA ama ka wac FEMA Qadka-Caawinta ee 800-621-3362- 3362. Haddii aad isticmaashid adeega isku-duwida sida adeeg isku-duwid muuqaal, adeeg taleefon ee qoraal leh ama waxkale, usii FEMA taleefonkaaga adeegaas markaad codsaneysid.
Deymaha Musiibo
Milkiiliyaasha guri, kireystayaasha, ganacsiyada iyo ururo qaar oo aan macaash-doonka ahayn ayaa wax badan ka baran kara Deymaha Musiibo ee Muuqda ee ribaca-hooseeya ee SBA ee wax ka qabanaya dayactirka iyo bedelida hantida musiibo-waxyeeleysey, iyadoo aadaya onleenka www.sba.gov/funding-programs/disaster-assistance.