Labo Todobaad Ayaa ka Harsan in la Codso Gargaarka FEMA & Xarunta Kasoo-kabasho Musiibo ee Logan waxey si Ku-Meel-gaar ah u Xirmeysaa Juun 19

Release Date Release Number
20
Release Date:
Juun 17, 2024

COLUMBUS - Milkiiliyaasha iyo kireystayaasha oo leh qasaaro ama waxyeelo la xiriirta musiibo ka timaada duufaanadii 14 Maarso ee jooga gobolada Auglaize, Crawford, Darke, Delaware, Hancock, Licking, Logan, Mercer, Miami, Richland iyo Union waxaa keliya u harsan labo todobaad iney codsadaan gargaar laga helo FEMA iyo Maamulka Ganacsi Yar ee Mareykanka (SBA).

Mudada codsiga ee gargaarka federaalka wuxuu ku egyahay Isniin, Luulyo 1, 2024.

Shakhsiyaadka uga baahan caawin codsashada ama su'aalo ka qaba codsigooda gargaarka federaalka waxey booqan karaan Xarunta Kasoo-kabasho Musiibo ee Gobolka Logan ama la xiriir Qadka-Caawinta FEMA. Ogow, xarunta waxey si ku meel gaar ah u xirmi doontaa Arbaco, Juun 19 iyadoo la xusayo Juneteenth. Saacadaha caadiga ah waxey sii socon doonaan Khamiis, Juun 20 xaruntana way shaqeyn doontaan ilaa amar dambe. Xarunta Kasoo-kabasho Musiibo waxey ku taalaa:

Indian Lake EMS District Building
280 N. Oak St.
Lakeview, OH 43331
Saacadaha: 9:00 a.m. – 6:30 p.m., Isniin - Sabti, Xiran Axadaha.

Xarumaha, Dadka Ohio waxey si waji-ka-waji ah ula kulmi karaan khubaro ka socda FEMA, SBA iyo hay'adaha gobolka iyo kuwa maxaliga si ay wax uga bartaan adeegyada iyo barnaamijyada gargaar ee u furan. Intaa waxaa dheer, badabaadayaasha waxey gudbin karaan dukumintiyo loogu baahanyahay codsigooda, wax ka baran karaan xaalada codsigooda, helayaan macluumaad ku saabsan sida loo racfaan qaado, loogana jawaabo su'aalahooda ku saabsan gargaar musiibo.

Si aad u codsatid deeq gargaar ee FEMA adigoon booqan xarun,  onleenka aadDisasterAssistance.gov, lasoo dag abbka moobeelka FEMA ama ka wac FEMA Qadka-Caawinta ee 800-621-3362. Haddii aad isticmaashid adeega isku-duwida sida adeeg isku-duwid muuqaal, adeeg taleefon ee qoraal leh ama waxkale, usii FEMA taleefonkaaga adeegaas markaad codsaneysid.

Milkiiliyaasha guri, kireystayaasha, ganacsiyada iyo ururo qaar oo aan macaash-doonka ahayn ayaa wax badan ka baran kara Deymaha Musiibo ee Muuqda ee ribaca-hooseeya ee SBA ee wax ka qabanaya dayactirka iyo bedelida hantida musiibo-waxyeeleysey, iyadoo aadaya onleenka www.sba.gov/funding-programs/disaster-assistance.

Tags:
La cusbooneysiiyey markii ugu dambeysay