Xarun Kasoo-kabasho Musiibo (DRC) ee FEMA ayaa laga furey Gobolka Windsor

Release Date Release Number
016
Release Date:
Ogosto 4, 2023

Xarun Kasoo-kabasho Musiibo ayaa laga furi doonaa Springfield markay tahay Ogosto 4 si ay uga caawiso dadka degan Vermont uu daadadka saameyey iney bilaabaan soo-kabashadooda. Si wadajir ah DRC, goob ku-meel-gaar ah oo la dhisey iyadoo iskaashanayaan Springfield, gobolka Vermont iyo FEMA, ayaa ka caawin doona ka-badbaadayaasha iney codsadaan gargaar FEMA, ay dukumintiyo soo geliyaan loogana jawaabo su'aalahooda waji-ka-waji.

Xarunta Springfield waxey ku taalaa:

Springfield Health Center (Xarunta Caafimaadka Springfield)
100 River Street
Springfield, VT 05156

Xarumaha waxey aalaaba ka furanyihiin:

Waterbury Armory
294 Armory Drive
Waterbury, VT 05676

ASA Bloomer Building
88 Merchants Row, Suite 330
Rutland, VT 05701

Barre Auditorium
16 Auditorium Hill
Barre, VT 05641

Iskuulka Flood Brook
91 VT-11
Londonderry, VT 05148

Iskuulka Twinfield Union
106 Nasmith Brook Road
Plainfield, VT 05667

Barton Memorial Building
17 Village Square 
Barton, VT 05822

Dhammaan waxey furanyihiin 7 maalmood asbuucii, 8 subaxnimo ilaa 7 habeenimo.

Dhammaan xarumaha ayaa isticmaali kara dadka naafanimada leh iyo baahiyaha shaqo, waxaana ku qalabeysan qalabka tiknoolajiyada wax caawisa. Haddii aad leedahay baahi qaabilitaan oo macquul ah ama turjume luuqada dhagoolaha, fadlan wac 833-285-7448 (riix 2 wixii Isbaanish ah). 

Wakiilo ka socda Maamulka Ganacsi Yar ee Mareykanka (SBA) ayaa sidookale xarunta joogi doona si ay u sharaxaan sida loo codsado deymo musiibo oo ribacooda-hooseeya ee SBA oo loogu talagalay dadka guriyaha leh, kireystayaasha, ganacsiyada, iyo ururada faaiido doonka ahayn ee gaarka loo leeyahay, waxeyna bixinayaan macaluumaad ku saabsan dib-u-dhiska si guriyaha looga dhigo kuwo musiibo u adkeysta.

Uma baahnid inaad booqato DRC  si aad u codsatid gargaar FEMA ah. Si aad isaga diiwaangelisid gargaarka FEMA, ka wac FEMA Leenka-Caawinta 1-800-621-3362, onleenka aad DisasterAssistance.govama lasoo dag Apka FEMA. Haddii aad isticmaashid adeega isku-duwida sida adeeg isku-duwid muuqaal (VRS), adeeg taleefon ee qoraal leh ama waxkale, usii FEMA taleefonkaaga adeegaas markaad codsaneysid.

FEAM waxaa ka go'an inay xaqiijiso gargaar musiibo ay weheliso sinnaan, takoor la'aan si ku salaaysan midab, kalar, diin, dhalasho, jinsi, da', naafanimo, garashada Ingiriiska, ama xaalad dhaqaale.  Ka badbaade kasta ee musiibada ama xubin bulshada ah ayaa lasoo xiriiri karta Xafiiska Xuquuqda Rayidka ee FEMA haddii ay dareemaan iney yihiin dhibane takoor. Xafiiska Xuquuqda Rayidka ee FEMA waxaa lagala soo xiriiri karaa si bilaash ah 833-285-7448. Waxaa diyaar ah hawlwadeeno dhowr luuqadood ku hadla.

Tags:
La cusbooneysiiyey markii ugu dambeysay