Waxa la Fisho: Baaritaano/Kormeer Guri

Release Date:
May 7, 2024

Kireystayaasha jooga gobolada Auglaize, Crawford, Darke, Delaware, Hancock, Licking, Logan, Mercer, Miami, Richland iyo Union oo soo tabiyey ineysan si badqabta ugu noolaan karin guriyahooda, FEMA waxey u baahnaan kartaa iney kormeero ka fuliso guriyaha waxyeeloowey.

Codso Gargaarka FEMA

Milkiiliyaasha iyo kireystayaasha jooga 11 gobol Ohio ee la magacaabey oon lahayn caymis ama leh waxyeelo si buuxda loo caymin oo ay sababtey duufaanadii 14 Maarso, 2024, waxaa lagu dhiirigeliyaa iney codsadaan gargaar musiibo ee FEMA. Aad onleenka DisasterAssistance.gov, isticmaal abbka-moobeelka FEMA ama wac 800-621-3362. Haddii aad isticmaashid adeega isku-duwida sida adeeg isku-duwid muuqaal, adeeg taleefon ee qoraal leh ama waxkale, usii FEMA taleefonkaaga adeegaas. Ha ilaawin inaad xareyso dood caymis ah sidookale - codsadayaasha caymiska ka qaba waxyeelo musiibo ee ku timaada gurigooda waa iney FEMA siiyaan dukumintiyo dejin ama faa'iido ee caymiska ah kahor intaan loo tixgelin gargaar federaal.

Baaritaano guri

Haddii aad u soo tabisey FEMA inaadan si badqabta ugu noolaan karin gurigaada, FEMA waxey u baahnaan kartaa iney kormeer ka fuliso guriyaha waxyeeloowey. Kormeerka waxey FEMA ka caawisaa iney xaqiijiso waxyeelo iyo qasaaro ay musiibadu sababtey. Kormeerayaashu ma go'aamiyaan u-qalmitaanka gargaar FEMA ah.


FEMA ayaa ku soo wici doona si ay kuugula kulanto cinwaanka halka waxyeeladu laga soo tabiyey. Lambarka taleefonka kormeeraha wuxuu ka imaan karaa meel ka baxsan gobolka ama u tusin kara Aqoonsiga soo-wace sida "inaan la heli karin." Kormeeraha ayaa ku wadiin kara inaad taleefon ahaan ku xaqiijisid macluumaadka shakhsi-ahaan laguugu aqoonsan karo. Haddii aadan hubin in wicitaan FEMA uu sharci yahay, kala xiriir Qadka-wicitaanka FEMA 800-621 si aad u xaqiijisid. Kormeerayaasha FEMA ayaa sameyn doonaa iskudayo dhowr ah inta lagu jiro dhowr maalmood gudahooda si ay ula xiriiraan cadsadaha. Haddii wicitaanku aado farriinta codka, kormeeruhu wuxuu kuu dhaafi doonaa lambar aad dib u soo wacdo, ama waxaad heli karaysaa fariin qoraal ah haddii xiriir kale aan la sameyn karin. Haddii FEMA aynan awoodin iney kula soo xiriirto si loo xaqiijiyo waxyeeladaada, waxaa laguu soo diri doonaa warqad ogeysiis codsigaaduna lagama sii shaqeyn karo - si aad usii wadid waa inaad soo wacdaa Leenka-Caawinta FEMA 800-621-3362 si aad u cadeysid macaluumaadka lagaala soo xiriiro aadna u xaqiijisid baahidaada gargaar.
 

Marka kormeere FEMA ah kusoo waco, qoro:

  • Magaca kormeeraha
  • Taariikhda wicitaanka
  • Taariikhda iyo wakhtiga ballanta
  • Lambarka taleefon ee kormeeraha

Haddii uu kula soo xiriirey kormeere guri ee FEMA, laakiin aaney jirin qof ka tirsan guriga oo codsadey gargaar musiibo ee FEMA, u sheeg kormeeraha inaadan codsan gargaar musiibo ee FEMA ah oo waydii kormeeraha inuu ka noqdo codsiga. Sidookale ku wargeli FEMA aidgoo wacaya Leenka-Caawinta FEMA ee 800-621-3362:

Inta lagu jiro Baaritaano/kormeer

Baaritaan caadi ah wuxuu qaataa ilaa 45 daqiiqo inuu dhamaado. Adiga ama qofka kula codsaday ee lagu aqoonsaday codsigaaga waa inuu la kulmaa kormeeraha uuna baxshaa sawir aqoonsi ah. Waxaad casuumi karaysaa shakhsi kale, sida xubin qoyska ah, qaraabo ama saaxiib, si uu kaaga caawiyo la hadlida baaraha.

  • Haddii codsaduhu ama la-codsaduhu aanu awoodin inuu baare la kulmo, qolo sedexaad ayaa qoraal ahaan lagu soo cayimi karaa ogolaansho horey ahna loo soo siin karaa kahor xiliga iyo taariikhda loo jadwaleeyey baaritaanka.
  • FEMA waligeed lacag dad kagama qaado baaritaan. Baaraha/kormeeraha wuxuu wataa sawir aqoonsi oo rasmi ah kumana waydiin doonaa macluumaad bangi.
  • Baaraha wuxuu isku dayi doonaa inuu xaqiijiyo macaga, cinwaanka, macluumaadka lagala xiriiro, shaqada iyo xaalada lahaansho iyo caymiska codsadaha.
  • Baaruhu wuxuu dhex socon doonaa guriga si uu u qiimeeyo xaalada goobaha waxyeeloowey iyo goobaha waxyeeloobin intuba, isagoo qoranaya waxyeelo musiibadu ku sababtey guriga (dhismihiisa) oona sameynaya liis dhammaan hantida shakhsiyeed ee muhiimka ah ee waxyeelowdey iyo kuwaan waxyeeloobin (agabka jikada, alabta guriga, iwm.)
  • Baaruhu wuxuu su'aal kaa weydiin doonaa qasaaraha iyo kharashaadka musiibadu sababtey ay ku jiraan kharashaad caafimaad, kharashaad guuritaan iyo kaydin, alaabaha lasoo gatay si looga falceliyo musiibada, unifoomada, sahayda, iyo agabyada loogu baahanyahay iskuulka ama shaqo.
  • Baarayaashu ma koraan sagxada mana hulaashadaan goobaha.
  • Sawiro ayaa laga qaadi karaa gudaha iyo dibadaba guriga inta lagu jiro nidaamka baaritaanka.
  • Xaaladaha ah in guriga aanu la geli karin, baaraha ayaa kula kulmi kara badbaadayaasha meel kale si loo xaqiijiyo aqoonsi, degnaansho iyo/ama lahaansho.
  • Haddii aad ka shakido in baare uusan ahayn cidda ay leeyihiin iney yihiin, u shee iney baxaan isla markiiba oo wac ciidanka fulinta
    sharciga.

Kadib Baaritaanka

Macluumaadka lasoo uruuriyey inta lagu jiro baaritaanka waa kaliya mid kamid ah dhowrka dabeecado ay FEMA isticmaasho iney ku go'aamiso u qalmida gargaar. Haddii aad qabtid su'aalo baaritaankaaga kadib, fadlan ka wac Leenka-Caawinta FEMA 800-621-3362.

FEMA ayaa boosto kuugu soo diri doonta warqad go'aan ah ee ku saabsan u qalmitaanka gargaar. Si aad si degdeg ah ugu heshid wixii cusub iyo ogeysiisyo, abuuro koonto onleen ah DisasterAssistance.gov kadib markaad codsatid gargaar FEMA ah.

Tags:
La cusbooneysiiyey markii ugu dambeysay