Sida loo codsodo Gargaarka Musiibada
Haddii aad leedahay waxyeelo ama khasaare ay sababeen duufaano daran, daadad, dhul go'a, iyo dhoobo go'ay intii u dhaxaysay Luulyo 29-31, 2024, FEMA waxa laga yaabaa inay ku caawiso. Waxaa lagayaaba inaad u qalanto gaargaarka lacagta ee barakaca, baahiya daran, hoyga ku meel gaar ah, dayactirka guriga aasaasiga ah, khasaaraha hantida qaaska ah, iyo kharashyada kale ee aan laheyn ceymis kuwaas oo la xiriira masiibada. Fadlan ogsoonow, tariiqda kama danbaysta ee la codsanayo Gargaarka Shaqsiga waa 25 ka Noofeembar, 2024.
Barnaamishyada Gargaarka Shaqsiga ee FEMA kaas oo duufanada Luulyo 29-31 ayaa lagu dabaqi karaa mulkiilayasha guriga iyo kiraystayaasha ee degmooyiinka Caledonia, Essex, iyo Orleans Waxaa jiraan qaabab kala duwan ood ku codson karto Gargaarka FEMA.
Sida oogu fudud ood ku codson karto waa inaad booqoto DisasterAssistance.gov. Waxaad ka loo ka codson kartaa adigoo isticmaalyo FEMA App qalabka telefoonka ama wac lambarka bilaashka ah 800-621-3362. Qadka teleefoonka wuu furunyahay maalin walbo cawinaad waxaa lagu heli karaa luuqadaha intooda badan. Haddii aad isticmaasho adeegga gudbinta sida VRS, adeega taleefoonka qoraalka ah ama kuwa kale, sii FEMA lambarkaaga sifa aad u hesho adeega. Waxaad kaloo booqan kartaa Xarunta Ka soo kabasha Musiibada (DRC) halkaas oo wakiilka FEMA kugu hagi doona habka codsiga. Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan DRCs, booqo fema.gov/drc.
Si aad u fiiriso fiidiyoowga ku saabsan sida loo codsodo booqo FEMA Accessible: Registering for Individual Assistance (youtube.com).
Faa'iidooyiinka FEMA ee Cusub
- Baahiyaha Khatarta ah : Bixinta hal mar 750 doolar qoooykiiba si loogu caawiyo bixinta alaabta muhiimka ah oo ay kamid tahay biyaha, cuntada, gargaarka dagdagga ah, warqada daawada, caanaha caruurta, qalabka naas nuujinta, xafaayadda, sahayda caafimaadka ee la isticmaalo, qalabka caafimaadka ee waara, alaabta nadaafadda gaarga ah iyo shidaalka gaadiidka .
- Gargaarka Barakaca : Lacagta lagugu caawinaayo baahida guriyeynta degdegga ah hadii aadan ku noqon karin gurigaaga masiibada aawgeed. Lacagta waxaa loo isticmaali karaa in lagu joogo hudheel, qoyska iyo asxaabta ama doorashooyin kale inta aad raadinayso guri ku meel gaar ah.
Fahamka Warqadaada FEMA
Haddii aad codsatay gargaarka FEMA ka dib duufaannadi Luuliyo 29-31, waxaad FEMA ka heli doontaa warqadda u-qalmitaanka boostada ama iimayl ahaan. Warqadda ayaa kuu sharxi doonta heerka codsigaaga iyo sidaad uga jawaabi lahayd ba. Waxaa laga yaabaa inaad u baahato inaad soo gudbiso macluumaad dheeri ah ama dukumeentiga taageeraya FEMA si aad u sii wado socodsiinta codsiga kaalmada maaliyadeed. Haddii aad qabo su'aalo ku saabsan warqaddaada, ama aadan ku raacsanayn go'aanka hore, booqo Disaster Recovery Center wac khadka caawimada musiibada 800-621-3362 si aad u ogaato macluumaadka ay FEMA u baahan tahay.
Xarumahayaga soo Kabashada Musiibada
- Degmada Caledonia : Xarunta Badbaadada Dadweynaha ee Lyndonville, 316 Main St. Lyndon, VT 05851
- Degmada Essex : Brighton Town Hall Gym, 49 Mill Street, Island Pond, VT 05846
Waxa kale oo aad booqan kartaa goobahayaga kale ee DRC (Xarumahayaga soo Kabashada Musiibada) oo furmay duufaantii Luulyo 9-11, 2024 darteed:
- Degmada Chittenden : Waterbury Armory, 294 Armory Blvd, Waterbury, VT 05676
- Degamda Washington : Hinesburg Town Hall, 10632 Route 116, Hinesburg VT 10191
Dhammaan xarumaha waa ay u fududahay dadka naafada ah iyo kuwa baahiyaha qabadka qabo waxaana lagu qalabeeyaa qalab tignoolajiyada oo caawiya. Haddii aad u baahan tahay hoy macquul ah ama turjumaan luqadda dhegoolaha, fadlan wac 1-833-285-7448 (riix 2 Isbaanishka ama riix 3 luqadaha kale).
Amaahda Musibada Dulsaarka-Hoose
Maamulka Ganacsiga Yaryar ee Maraykanka (SBA) waxaay bixyaan amaahda musibada dulsaarka-hoose mulkiilayaasha guryaha, kiraystayaasha, ganacsiyada iyo ururada aan faa'iido doonka ahayn si ay u daboosho khasaaraha aan si buuxda uhelin magdhabin caymis iyo ilo kalaba. Ka codso onaynka SBA.gov/disaster. Macluumaadka deeynta musiibada waxaa sidookale laga heli kara adigo wacaaya Xarunta Adeegga Macmiilka ee Maamulka Ganacsiga Yaryar (SBA) 800-659-2955 ama u soo dir iimayl musiibo-customerservice@sba.gov
Macluumaad Dheerad ah
- Kaalmada Shaqo La'aanta Musiibada waxay diyaar u tahay ganacsiyada Vermont iyo dadka degan ee shaqadoodii ku waayey duufaantii Luulyo 29-31 darteed. Deeganka u qalma waxaay codsi u soo gudbin karaan https://labor.vermont.gov/dua
- Hawl-wadeennada beeraha ee gobollada ay saamaysay ee Vermont waxa laga yaabaa inay u qalmaan amaahda degdegga ah ee Wakaaladda Adeegga Beeraha (FSA) iyada oo loo marayo Baaqa Musiibada USDA. Booqo onlaynka www.farmers.gov/recover aqbaar dheeraad ah.
- Si aad u hesho ilo dheeraad ah oo deegaanka iyo gobolka ah booqo Vermont Emergency Management
Ka digtoonoow Dhaca.
Shaqaalaha FEMA ee ka shaqeeya aagagga ay saameeyeen duufaantii Luulyo 29-31 waxay sitaan aqoonsi sawir rasmi ah. Wakiilada FEMA waligood wax lacag ah kuma soo dallacaan codsadayaasha kaalmada musiibada, kormeerka ama caawinta buuxinta codsiyada Adeegyadooda waa bilaash. Ha rumaysan qof kasta oo kuu ballan qaado abaal-marin musiibo adigoo bixinaya lacag. Ha siin macluumaadka bangigaaga qof sheeganaya inuu yahay kormeeraha guryaha FEMA.
FEMA inspectors marna looma sharciyeeyn inay ururiyaan macluumaadkaaga maaliyadeed ee gaarka ah. Haddii aad aaminsantahay in aad tahay dhibbanaha khayaanada, isla markaaba u sheeg booliiska deegaankaaga ama waaxda shariifka.