Mudada Loo Cayimay ayaa Loo Kordhiyay Caawimaada Gaarka ah ee FEMA

Release Date Release Number
DR-4797-MN NR-19
Release Date:
Sitembar 20, 2024

ST. PAUL – Mulkiileyaasha guryaha iyo kireysteyaasha waxyeeladu ka soo gaartay dhibaatada ku dhacday gurigooda ee ka dhalatay daadadka iyo duufaannadii dhacay Juun 16 - Luuliyo 4 ayaa helaaya wakhti dheeri ah oo ay ku codsadaan caawimaada masiibada ee federaalka. 

FEMA ayaa kordhisay wakhtiga loo cayimay codsiga kana dhigtay Oktoobar 27, 2024, dadka ka badbaaday aafada ee ku dhaqan 21 degmo ee Minnesota ee loo qoondeeyay Caawimaada Gaarka ah. 

Caawimaada FEMA waxaa ku jiri kara guri ku meel gaar ah inta aadan awoodin inaad gurigaaga ku noolaato, sida caawimaada kirada ama in laguu cesho qarashka huteelka; lacag lagu taageeraayo dayactirka ama badelida gurigaaga rasmiga ah, ayna ku jiraan marinnada gaarka loo leeyahay, sida marinnada guryaha, wadooyinka, ama buundooyinka; iyo lacagta kharashaadka masiibadu sababtay iyo baahiyaha degdega ah, sida dayactirka ama badelida hantida gaarka ah iyo gaariyaasha, lacagaha rarista iyo xaraynta, caafimaadka, daryeelka ilkaha, daryeelka ilmaha, lacagaha tacsida, iyo agabka kale ee muhiimka ah ee horey loo ogolaaday. 

Badbaadayaasha musiibooyinka ee aan weli codsan kaalmada FEMA waa inay ka dalbadaan barta onlaynka ee DisasterAssistance.gov, ka isticmaalaan Abka FEMA telefoonkaaga, booqo Xarunta Ksoo kabashada Musiibooyinka mise wac 800-621-3362. Haddii aad isticmaasho adeegga gudbinta sida adeegga gudbinta fiidiyowga, adeegga taleefanka qoraalka ah ama kuwa kale, sii FEMA lambarkaaga adeeggaas markaad dalbato.

Xitaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan hawlgalka soo kabashada musiibada ee Minnesota booqo www.fema.gov/disaster/4797

Tags:
La cusbooneysiiyey markii ugu dambeysay