Shan Tallaabooyin ee Guriga looga Dhigo mid Musiibo u Adkeysta

Release Date Release Number
19
Release Date:
Juun 13, 2024

COLUMBUS – Intuu sii socdo soo-kabashada kadib duufaanadii 14 Maarso. FEMA waxey ku dhiirigelisaa dadka degan iney qadariyaan shan tallaabooyin ay ku adkeyn karaan guriyahooda ee lagula tacaalo dhacdooyin dabelo-sare ee mustaqbalka ah.

  1. Xooji Deegaankaaga. Dib-ugu-kabida gurigaaga waxey bixin kartaa cusbooneysiisyo dhismo oo aaney horey u jirin markii la dhisayey. Tusaale, milkiile guri wuxuu ku rakabi karaa xargo tiirka sagafka dhismaha si uu u adkeeyo inuu xajiyo saameynta “sare-qaadka” dabeylaha sare oo sababi kara inuu kaco oo uu ku dumo gadaasha guriga.
  2. Ilaali Irdahaas. Irdaha garaashka ama laba-gelitaan leh waxey ku halaawi karaan cadaadis dabayl awgeed. Irdaha garaashka waxaa lagu adkeyn karaa suman iyo adkeynta laangarooniyaasha. Irdaha labada-gelitaan leh waxaa lagu adkeyn karaa bool weyn oo adag, iyadoo lagu darayo boolal sibixma mid kamid ah irdaha, oona la adeegsanayo isku-dhejino faseexado dhaadheer ee irida iyo wareega ah.
  3. Ilaalso Muraayadaada. Celiyeyaasha dabeysha waxey ka hortagaan daaqadaha iney jajabaan marka uu jiro firdhado dabeyl keento. Waxaad sidookale ku dari kartaa xuub burbrur-celiya ama dabeyl-reebe muraayad adag si aad uga ilaaliso muraayada iney jabto.
  4. Gaagaabi oo Adkee. Qadari inaad jarto wixii laamo geyd oo soo raaraca kuwaas oo khatar ku keena gurigaaga iyo ilaalinta alaabta banaanka iyo taankyada shidaalka kuwaas oo u dhaqma sida gantaal inta lagu jiro dhacdooyin dabeyl ah.
  5. Xaqiiji in si Buuxda laguu Caymiyey. Wakhti ku qaado aad dib ugu eektid caymisyadaada waxey daboolaan oo la hadal wakiilkaaga si aad u xaqiijiso in gurigaaga si ku filan looga caymiyey dhacdooyin dabeyl-sare iyo khataraha musiibooyinka kale ee bulshadaada.
  6. Lacago Federaal ee kaa Caawiya inaad Yareysid Khatarta Musiibo ee Gurigaaga

Milkiiliyaasha codsaday FFEMA oona helay gargaar waxey heli karaan lacago dheeri ah ee quseeya tallaabooyin khatar yareyn gaar ah. Dadka Ohio oo ay saameysey duufaanadii 14 Maarso. Gargaarkan waxaa ku jiri kara dayactir sagaf si uu ugu adkeysto dabeylo sare kana caawiyo biyo kasoo dusida. Lacagaha dheeriga ah waxaa lagu bixin doonaa cadaka abaal-siinta ee milkiiliyaasha guri loo go’aamiyey iney u qalmaan gargaar dayactir guri ee laga helo Fema . Waxbadan kaga baro go.dhs.gov/3x8.

Intaa waxaa dheer, deen-qaatayaasha deyn musiibo ee Maamulka Ganacsiga Yar ee Mareykanka (SBA) waxey dooran karaan iney helaan lacago la balaariyey si looga caawiyo in laga yareeyo in gurigooda ama ganasigooda soo gaardo musiibo mustaqbalka ah. Deymaha musiibo ee SBA waxaa lagu kordhin karaa ilaa 20% si loo sameeyo kobcin dhisme. Waxbadan kaga baro www.sba.gov/funding-programs/disaster-assistance

Xitaa wixii ku saabsan talooyin loogaga hortago gurigaaga dhacooyin dabeyl sare ah. Waxaad booqan kartaa Protect Your Property From Severe Winds Brochure 2023 (fema.gov).

Tags:
La cusbooneysiiyey markii ugu dambeysay