Gargaarka FEMA iyo SBA wuxuu gaaraa $3.7 Million ee loogu talagalay Ka-badbaadayaasha Duufaanta Ohio

Release Date Release Number
DR-4777-OH NR-15
Release Date:
May 31, 2024

COLUMBUS - Keliya bil kadib tan iyo markii Madaxweyne Joe Biden ugu dhawaaqay musiibo weyn Gobolka Ohio kadib duufaanadii Maarso 14, 2024, in ka badan $3.7 million ee ah gargaar federaal ayey bixisey FEMA iyo Maamulka Ganacsi Yar ee Mareykanka (SBA) si loo kaabo soo-kabashada.  

Milkiiliyaasha guri iyo kireystayaasha oo guriyahooda iyo hantidooda ay waxyeeleysay dabeylaha, kuwaas oo wali u baahan iney codsadaan gargaar federaal, waxey qabaan ilaa July 1, 2024, iney sidaa sameeyaan.

Sida aytahay May 31, gargaarka soo-kabasho ee Ohio waxaa kujira:

  • Wax ka badan $2.4 million ee ah deeqaha Barnaamijka Shakhsiga iyo Qoyska ee FEMA (IHP) ee la siiyo milkiiliyaasha iyo kireystayaasha u qalma ee gobolada kow iyo tabanka ee Ohio. Deeqahan waxey baxshaan khasaaraha iyo waxyeelada aan la caymin ama leh caymis gabaabsi ah, ay ku jiraan:
    • In ka badan $1.5 million ee deeqaha guriyeyn ee FEMA ee lagu caawiyo in lagu bixiyo dayactir, guri bedelid iyo gargaar kiro ee guriyeyn ku-meel-gaar.
    • In ka badan $951, 000 Deeqo Gargaar Baahiyo Kale ee lagu caawiyo bedelidaan guri ee shakhsi ah iyo baahiyo dabeyl daran la xiriira - sida guuritaan iyo kharashaad keydin, gaadiid, daryeel caruur, iyo kharashaadka caafimaad iyo ilko.
  • In ka badan $1.3 million ee deymo muddo dheer, ribacoodu hooseeyo ayey u ansixisey Maamulka Ganacsiga Yar ee Mareykanka milkiiliyaasha guri iyo kireystayaasha si looga caawiyo dayactir, dib-u-dhisid ama bedelid waxyeelo guri iyo si loo daboolo dhaawac ganacsiyada dhammaan qeybahooda iyo ururuada aan macaash-doonka ahayn.

Kow iyo tobanka gobolka ee Ohio ee loo magacaabey gargaar FEMA ee musiibadan waa: Auglaize, Crawford, Darke, Delaware, Hancock, Licking, Logan, Mercer, Miami, Richland iyo Union.

Kooxaha Gargaar Ka-badbaade Musiibo (DSA) waxay booqanayeen xaafadaha dabeyshu-saameysey ee gobolada loo magacaabey si ay uga caawiyaan dadka degan iney codsadaan gargaar FEMA, aqoonsadaan waxna ka qabtaan baahiyo degdeg ah, ayna sameeyaan ugudbino hay'ado maxali, gobol ama is-xilqaan ah wixii ku saabsan kaalmo dheeri ah. Ilaa hadda, shaqaalaha DSA waxey booqdeen in ka badan 7,500 oo qoysas iyo 370 ganacsiyo si ay ka-badbaadayaasha ugu xiraan gargaar.

Intaa waxaa dheeri ah, Xarumaha Ka-badbaadayaasha Musiibo ee FEMA waxaa laga furey gobolada saamoowey si loo siiyo gargaar waji-ka-waji ah ka-badbaadayaasha. Xarumaha, takhasusyahano kasoo-kabasho oo ka socda FEMA, gobolka Ohio iyo Maamulka Ganacsiga Yar ee Mareykanka ayaa bixiya macluumaad ku saabsan adeegyada la heli karo, sharxa barnaamijyada gargaar, caawiyana ka-badbaadayaasha iney dhamestiraan ama hubiyaan xaalada codsigooda ku saabsan gargaar. Ballan lagama maarmaan uma ahan in la booqdo Xarun Kasoo-kabasho Musiibo. Iska-soo-galyada soo dhawaada.

Si aad u heshid Xarun Kasoo-kabasho Musiibo ee kuugu dhow, booqo fema.gov/drc. Xarun kasta waxaa loo booqan karaa gargaar.

Si aad u codsatid gargaar FEMA adigoon booqan xarun,  onleenka aadDisasterAssistance.gov, lasoo dag abbka moobeelka FEMA ama ka wac FEMA Qadka-Caawinta ee 800-621-3362. Haddii aad isticmaashid adeega isku-duwida sida adeeg isku-duwid muuqaal, adeeg taleefon ee qoraal leh ama waxkale, usii FEMA taleefonkaaga adeegaas markaad codsaneysid.

Xog dheeraad ah ee ku saabsan hawsha kasoo-kabasho musiibo ee Ohio, booqo www.fema.gov/disaster/4777

Tags:
La cusbooneysiiyey markii ugu dambeysay