Xarun Kasoo-kabasho Musiibo ee FEMA ayaa laga furayaa Gobolka Richland

Release Date Release Number
DR-4777-OH NR-08
Release Date:
May 13, 2024

COLUMBUS - Xarun Kasoo-kabasho Musiibo ku-meel-gaar ah ee FEMA ayaa laga furayaa Talaado, May 14 gobolka Richlad si looga caawiyo dadka degan iney gogol xaaraan soo kabashadooda kadib duufanadii 14 Maarso. 

Takhasusyahno ka socda FEMA iyo Maamulka Ganacsiga Yar ee Mareykanka ayaa joogi doona xarumaha si ay uga caawiyaan badbaadayaasha iney codsadaan gargaar musiibo ee federaal, soo geliyaan dukumintiyo, wax ka bartaan qaabab uga dhigaan guriyahooda kuwo u adkeysta musiibo, oona su'aalahooda si waji-ka-waji ah looga jawaabo.

Xarunta Gobolka Richland waxey si ku-meel-gaar ah uga furmi doontaa goobta, maalmaha iyo saacadaha soo socoda:  

Plymouth Township Hall

7025 Kuhn Road

Shelby, OH  44875

Saacadaha: Tal. - Kham. 7:30 a.m. – 6:30 p.m., May 14 – May 16. Xaruntan way xirmi doontaa Khamiis, May 16 xiliga 6:30 pm.

Xarumaha soo-kabasho ee deeriga ah waxey dhawaan ka furmi doonaan gobolada saamoowey. Si aad u heshid xarunta kuugu dhow, booqo fema.gov/drc. Badbaadayaasha waxey booqan karaan goob kasta si la xiriirta gargaar.

Gargaar luuqado aan ka ahayn English, ay ku jirto luuqada dhagoolaha ee Mareykanka, iyo agabyada la fasirey ayaa ku diyaarsan xarumahan. Goobaha Kasoo-kabashada Musiibo ayaa loo xushey marin u helidooda, iyadoo u jeedku yahay in la gaaro inta ugu badan dad ee macquul ah. Goobo baarkino oo marin loo helo ayaa ku diyaarsan dhammaan xarumaha. 

Badbaadayaasha uma baahna iney booqdaan Xarun Kasoo-kabasho si ay u codsadaan gargaar FEMA ah. Si aad u codsatid adigoon booqan xarun,  onleenka aadDisasterAssistance.gov, lasoo dag abbka moobeelka FEMA ama ka wac FEMA Qadka-Caawinta ee 800-621-3362- 3362. Haddii aad isticmaashid adeega isku-duwida sida adeeg isku-duwid muuqaal, adeeg taleefon ee qoraal leh ama waxkale, usii FEMA taleefonkaaga adeegaas markaad codsaneysid.

Xog dheeraad ah ee ku saabsan hawsha kasoo-kabasho musiibo ee Ohio, booqo www.fema.gov/disaster/4777

Tags:
La cusbooneysiiyey markii ugu dambeysay