Su'aalaha iyo Jawaabah: Kaalmada Fadaraalka

Release Date:
Ogosto 30, 2024

Barnaamijka Shakhsiyaadka iyo Qoyska ee FEMA (IHP) wuxuu caawiyaa badbaadayaasha musiibada ee xaqa u leh inay bilaabaan soo kabasho iyagoo u bixinaya deeqo baahiyaha aasaasiga ah, ee muhiimka ah. Noocyada kale ee kaalmada musiibada fadaraalka ayaa la heli karaa sidoo kale. Jawaabaha su'aalaha ku saabsan hannaanka kaalmada musiibada fadaraalka ayaa hoos laga heli karaa. 

Waa kuwee noocyada kaalmada ee aan ka heli karo FEMA?

  • Kaalmada musiibada FEMA waxaa loogu talagalay in lagu bilaabo dadaallada soo kabashada. Kaalmada aad hesho uma badna inay bixiso kharashka buuxa ee ku noqoshada gurigaaga mise hantidaada xaaladdii ay ku jirtay kahor musiibada. Si aad u aragto noocyada kaalmada ee suurtagalka ha in aad heli karto, booqo  bogga Find Assistance. 

Ma codsan karaa kaalmada FEMA haddii aan caymis leeyahay?

  • Haa. Waxaa suurtagal ah inaad u qalanto kaalmada musiibada FEMA xitaa haddii aad caymis leedahay, marka ha sugin inaad la codsato FEMA. Haseyeeshee, haddii aad caymis u leedahay sababta burburka gurigaaga, waxaad u baahan doontaa inaad cabasho u gudbiso bixiyaha caymiskaaga islamarkaana aad u gudbiso heshiis caymis ama warqad diidmo FEMA si loo go'aamiyo u qalmitaankaaga noocyada kaalmada qaarkood. Sharci ahaan, FEMA ma laba jibaari karto faa'iidooyinka khasaaraha uu daboolay caymiskaaga. 

Ma u heli karaa gurigeyga labaad kaalmada fadaraalka? 

  • Kaalmada musiibada FEMA waxay ku kooban tahay guriga aasaasiga ah ee codsadaha, kaasoo ah meesha aad ku nooshahay in ka badan lix bilood sannadkii. Guryaha labaad, guryaha fasaxa mise guryaha loo isticmaalo kirooyinka fasaxa uma qalmaan kaalmada FEMA. Haddii aad ka codsato Maamulka Ganacsiga Yaryar ee Mareykanka (SBA), waxaa suurtagal ah in laguu tixgeliyo deyn musiibo oo dulsaar yar-leh haddii guriga loo isticmaalo kiro waqti gaaban mise dheer ah oo dakhliga kiraynta lagu caddeeyo canshuur celinta fadaraalka ee mulkiilaha  Waxaa kale oo suurtagal ah in laguu tixgeliyo haddii guriga labaad la degan yahay, kiro ah, oo ay ku jiraan qoys ballaaran.

Haddii aan helay kaalmada barakaca balse aan weli u baahanahay in la iga caawiyo guriyeynta ku meel gaarka ah, maxaan sameeyaa?

  • Ka wac khadka caawinta FEMA lambarka 800-621-3362 mise booqo xarunta soo kabashada furan si aad u codsato kaalmada kirada FEMA. 

Miyaan u baahanahay kormeer guri si aan u helo kaalmada FEMA? 

  • Haa. Haddii aad ka warbixisay burbur guri soo gaaray deegaankaaga aasaasiga ah, waxaa suurtagal ah in loo baahdo kormeerka guri oo ka socda FEMA. Kormeerayaasha FEMA waxa laga yaabaa inay kaa soo wacaan lambarka telefoon aan la garanayn oo ay sameeyaan isku dayo badan si ay kaala hadlaan waxyeeladaada ay sababtay musiibada. Shaqaalaha FEMA waxay had iyo jeer lahaan doonaan calaamad aqoonsi oo rasmi ah oo waa inaad had iyo jeer waydiisaa inaad aragto AQOONSI. 

Miyaan u baahanahay inaan bixiyo lacag si aan caawimaad ugu helo codsigayga kaalmada fadaraalka?

  • Gabi ahaanba maya. FEMA iyo SBA-da ayaa kaa caawin kara inaad u gudubto hannaanka kaalmadaada, oo marnaba lacag kuma weydiin doonaan oo marnaba uma baahna lacag bixin nooc kastooy ahaataba. Haddii qofi u baahan yahay lacag si uu kaaga caawiyo codsigaaga dawladda dhexe, waxay u badan tahay in lagu dhacayo. Isla markaaba ku wargeli maamulka deegaankaaga. 

Deeqaha FEMA ma saameyn doonaan macaashka Lambarka Amniga Bulshada, canshuuraha, lacagta cuntada, mise Medicaid?

  • Maya. Kaalmada FEMA waa canshuur la'aan mana saamayso Lambarka Amniga Bulshada, Medicare, Medicaid, Dheefaha Barnaamijka Kaalmada Nafaqada ee Dheeraadka ah (SNAP) mise barnaamijyada kale ee daryeelka iyo xaq u yeelashada fadaraalka.

Waxaan ahay beeralay leh soo gaadhay musiibo dabayl iyo daadad laga soo bilaabo Juun 16 – Luulyo – miyaan xaq u leeyahay kaalmada fadaraalka?

  • Beeralayda ayaa suurtagal ah inay u qalmaan kaalmada FEMA si ay uga caawiso baahiyaha daran, inay iska bixiyaal meel ku meel gaar ah oo ay ku noolaadaan, dayactirka guriga iyo baahiyaha kale ee aan caymiska lahayn. SBA waxa kaloo siisaa beeralayda xaqa u leh deymo dulsaar yar si ay dib ugu dhistaan mise u dayactiraan gurigooda aasaasiga ah una bedelaan hantida shakhsi ee luntay mise burburtay. 
  • Marka ay musiibooyinka dabiiciga ahi dhacaan, Waaxda Beeraha ee Maraykanka (USDA) waxay bixisaa kaalmo farsamo iyo mid maaliyadeed si ay uga caawiso wax soosaarayaasha inay ka soo kabtaan abaaraha, duufaannada, roobabka xad-dhaafka ah, duufaannada jiilaalka iyo kuwo kale. Wakaaladda Adeegga Beeraha ee USDA (FSA) ayaa maamusha Barnaamijyada Musiibada FSA si ay uga caawiso wax soosaarayaasha inay ka soo kabtaan khasaaraha ay xaqa u leeyihiin ee ka yimaada musiibooyinka dabiiciga ah oo ay ku jiraan abaaro, duufaanno, fatahaado iyo kuwo kale. Barnaamijka Amaahda Gurmadka ee FSA wuxuu bixiyaa amaah si uu uga caawiyo wax soosaarayaasha inay ka soo kabtaan wax soo saarka iyo khasaaraha jireed ee ay sabab u tahay abaarta, daadadka, masiibooyinka kale ee dabiiciga ah, mise karantiil. Waxaan ku dhiirigelinaynaa wax soosaarayaasha inay la xiriiraan Xarunta Adeegga USDA ee deegaanka si ay ugala hadlaan fursadaha barnaamijka iyo amaahda iyo si ay u ogaadaan waxa loogu baahan yahay u qalmitaanka iyo sida loo codsado.

Haddii aanan ahayn muwaadin Mareykan ah, qof kale oo qoyskeyga ah ma ii codsan karaa FEMA? 

  • Haa. Reerku weli wuu kuu codsan karaa oo waa loo tixgelin karaa kaalmo haddii: xubin kale oo weyn oo qoyskaaga ka tirsan ay tahay muwaadin Maraykan ah, muwaadin aan dhalasho lahayn mise muwaadin aan u qalmin, mise haddii ilmo yar, oo ku nool isla guriga waalidkiis mise qofka masuulka ka ah, uu yahay muwaadin Maraykan ah, muwaadin aan dhalaso lahayn, mise shisheeye u qalma. Waalidka mise qofka masuulka ka ah ilmaha aan qaan gaarin wuxuu codsan karaa isagoo matalaya ilmaha. Wax badan ka baro adigoo booqanaya U qalmitaanka Kaalmada Musiibada FEMA: Shuruudaha Heerka Muwaadinimada iyo Socdaalka | FEMA.gov.

Waxaan helay warqad sheegaysa in aan hadda la ii oggolayn kaalmada FEMA. Taasi ma waxay ka dhigan tahay inaanan FEMA ka filan karin wax caawin ah?

  • Daruuri ma aha. Waa muhiim inaad si taxaddar leh u akhridaa warqadaada go'aanka ee FEMA. Waxa suurtagal ah inaad u baahato uun inaad bixiso macluumaad dheeraad ah—sida dejinta caymiskaaga mise diidmadaada—mise dukumeentiyo kale si arjigaaga loo dhaqaajiyo. Mar walba waxaad booqan kartaa xarunta soo kabashada mise wici kartaa khadka caawinta FEMA haddii aad u baahan tahay caawin xagga habsocodka ah. 

FEMA ima aanay siin lacag igu filan. Ka waran haddii aan dibu ugu dhisi karin gurigayga sidii hore ee uu u ekaa?

  • Haddii aadan ku raacsanayn go'aanka FEMA, waxaad racfaan ku qaadan kartaa 60 maalmood gudahooda laga bilaabo taariikhda warqadda go'aanka. Si-si buuxda loogu daboolo baahiyaha badbaadayaasha musiibada, FEMA waxay iskaashi la samaysaa hay'adaha kale ee dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn. Tusaale, SBA waxay siisaa mulkiilayaasha guryaha, kiraystayaasha iyo milkiilayaasha ganacsiga ee aagga musiibada lagu dhawaaqay amaahda dulsaarka yar ee musiibada. Amaahda musiibada ee SBA waxay daboolaysaa khasaaraha aan si buuxda loo magdhabin caymis, deeqaha FEMA ama agabyada kale. Wax badan ka baro barta www.sba.gov/disaster

Sidee racfaan u qaadan karaa?

  • Racfaannadu waa in lagu soo gudbiyaa 60 maalmood gudahood kadib taariikhda warqadda go'aanka. Warqadaada FEMA waxay ku siin doontaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waxa loo baahan doono in lagu bixiyo haddii aad doorato inaad racfaan ka qaadato go'aanka FEMA. Adigoo haysta warqadda go'aankaaga, FEMA waxay sidoo kale ku siin doontaa Foomka Codsiga Racfaanka oo laga yaabo in loo isticmaalo in lagu caawiyo bixinta macluumaad dheeraad ah. Rafcaankaaga waxaa lagu soo gudbin karaa faakis mise boosto, qof ahaan, mise onlayn haddii aad FEMA ku leedahay akoon onlyn ah. Si aad u samaysato akoon FEMA oo online ah, booqo DisasterAssistance.gov, guji "Ka codso Onlyn" oo raac tilmaamaha. 
    • Boosto ahaan: Xarunta Adeegga Habsocodka Qaranka ee FEMA, P.O. Sanduuqa boosto 10055, Hyattsville, MD 20782-7055
    • Faakis ahaan: 800-827-8112, Fiiro gaar ah: FEMA
    • Qof ahaan: Booqo Xarun kasta oo ka soo Kabashada Musiibada si aad u gudbiso racfaankaaga. Halka xarun ka raadso: fema.gov/DRC.

 

Tags:
La cusbooneysiiyey markii ugu dambeysay