XARUMAHA SOO-KABASHO MUSIIBO OO XIRMAYA NOFEEMBAR 23 [https://www.fema.gov/so/press-release/20241121/disaster-recovery-centers-close-november-23] Release Date: Nofeembar 21, 2024 Xarumaha Kasoo kabasho Musiibo (DRC) ee ku yaala Hinesburg Town Hall (on Route 10632) iyo kuwa Lyndon Public Safety Facility (316 Main Street) ayaa loo jadwaleeyey iney si abid ah u xirmaan markay tahay 6 p.m. ee Sabtida, Nofeembar 23. Saacadaha shaqada ee xarumaha ilaa xiligaas waa 9 a.m ilaa 6 p.m. Xarumaha waxaa loo furay dadka degan oo ay saameysey duufaanadii iyo daadkii dhacay Luulyo 9-11 iyo Luulyo 29-31 kuwaas oona rabay iney waji-ka-waji ula hadlaan FEMA iyo takhasusyahanada kale ee kasoo kabasho musiibo.  Dadka deqan uma baahna iney booqdaan DRC  si ay u codsadaan gargaar FEMA ah. Qaababka kale ee loo Codsado ka hor TAARIIKHDA KAMA DAMBEYSTA AH NOFEEMBAR 25TH waxaa ku jira: * Onleenka ee DisasterAssistance.gov [https://www.disasterassistance.gov/] * Iyadoo la adeegsado Apka Moobeelka ee FEMA [https://www.fema.gov/about/news-multimedia/mobile-products] * Ka wacaya FEMA LEENKA-CAAWINTA ee 800-621-3362: Gargaar ayaa diyaar ku ah luuqado badan. Haddii aad isticmaashid adeega isku-duwida muuqaal (VRS), adeeg taleefon ee qoraal leh ama adeeg kale ee isku-duwid, usii FEMA taleefonkaaga adeegaas markaad codsaneysid. Khadadka taleefonka ayaa shaqeeya laga bilaabo 7 a.m. ilaa 11 p.m. todobo maalmood asbuucii.                 Kadib taariikhda kama dambeysta, takhasusyahanada FEMA ayaa wali u diyaar ahaan doona iney caawiyaan codsadayaasha. Kuwa aalaaba codsaday FEMA, ayaa waydiin kara su'aalo, cusbooneysiin kara macluumaadka xiriirka iyo codsiyada oona heli kara waano ku aadan racfaan ka qaadasho go'aan gaaris FEMA ah iyadoo la wacayo khadka caawinta.