XARUMAHA SOO-KABASHO MUSIIBO OO U XIRMAYA MAALINTA DOORASHADA [https://www.fema.gov/so/press-release/20241030/disaster-recovery-centers-close-election-day] Release Date: Oktoobar 30, 2024 Xarumaha Soo-kabasho Musiibo ee duufanadii iyo daadkii dhacay Luulyo 11-13 iyo Luulyo 29-30 ayaa u xirmaya Maalinta Doorashada, Talaado, Nofeembar 5.  Xarumahan ayaa ku yaala Newport Municipal Building (222 Main St) iyo Lyndon Public Safety Facility (316 Main St). Maadaama xarunta HINESBURG TOWN HALL ( 10632 ROUTE 116) LOO ADEEGSAN DOONO GOOB CODEYN, waa la XIRI DOONAA ISNIIN, NOFEEMBAR 4 ILAA ARBACO, NOFEEMBAR 6. DRC-yada ku yaala Newport iyo Lyndon waxey dib u furmi doonaan 9 a.m. Arbaco, Nofeembar 6. DRC-da Hinesburg waxey dib u furmi doontaa 9 a.m. Khamiis, Nofeembar 7.  Saacadaha dhammaan loogu talagalay DRC-yada waa 9 a.m ilaa 6 p.m. Isniin - Sabti.  Dadka degan oo uu saameeyey daadka uma baahna iney booqdaan Xarun Kasoo-kabasho Musiibo si ay u codsadaan ama u helaan gargaar FEMA ah. Taariikhda kama dambeysta ee la codsado waa NOFEEMBAR 25, 2024.  Saddex Qaabab ee loo Codsado waxaa kujira: * Onleenka ee DisasterAssistance.gov [https://www.fema.gov/press-release/20240606/DisasterAssistance.gov] * Apka Moobeelka ee FEMA [https://www.fema.gov/about/news-multimedia/mobile-products]  * Ka wac FEMA Leenka-Caawinta ee 1-800-621-3362. Khadadka taleefonka ayaa shaqeeya laga bilaabo 7 a.m. ilaa 10 p.m. (wakhtiga aagaaga), todobo maalmood asbuucii. Gargaar ayaa diyaar ku ah inta badan luuqadaha. Haddii aad isticmaashid adeega isku-duwida, adeeg taleefon ee qoraal leh ama waxkale, usii FEMA taleefonkaaga adeegaas. Muuqaal gelitaan ee sida loo codsado gargaar ah aad youtube.com/watch?v= WZGpWI2RCNw [http://www.youtube.com/watch?v=WZGpWI2RCNw].