ISBEDEL SAACADAHA XARUN KASOO-KABASHO MUSIIBO EE FEMA IYO LABA XARUMOOD OO XIRMAYA ASBUUC-DHAMMAADKAN [https://www.fema.gov/so/press-release/20240603/fema-disaster-recovery-center-hours-change-and-two-centers-close-weekend] Release Date: Juun 3, 2024 COLUMBUS - Xarumaha Kasoo-kabasho Musiibo ee Ohio waxey yeelan doonaan saacado cusub ee shaqo laga bilaabo Talaado, Juun 4. Saddexda xarumo waxey haddeertan furmi doonaan 9:00 a.m. ilaa 6:00 p.m. inta lagu jiro maalmaha todobaadka iyo Sabtida. Xarumaha gobolada Augalaize iyo Delaware waxey raaci doonaan saacadaha la cusbooneysiiyey ilaa si toos ah looga xiro ee Sabtida, Juun 8.  XARUMAHA GOBOLADA AUGALAIZE IYO DELAWARE WAXEY KU YAALIIN: Auglaize County Administration Building 209 S. Blackhoof St.  Wapakoneta, OH 45895 Saacadaha: 9:00 a.m. – 6:30 p.m., Tal. Juun 4 – Sab. Juun 8   The Journey Fellowship 70 N. Walnut St.  Galena, OH 43021 Saacadaha: 9:00 a.m. – 6:30 p.m., Tal. Juun 4 – Sab. Juun 8   XARUNTA GOBOLKA LOGAN WAXEY KA FURNAAN DOONTAA ILAA AMAR DAMBE: Indian Lake EMS District Building  280 N. Oak St. Lakeview, OH 43331 Saacadaha: 9:00 a.m. – 6:30 p.m., Isniin - Sabti, Xiran Axadaha.   Xarumaha Kasoo-kabasho Musiibo, Dadka Ohio ee leh waxyeelo ama khasaaro kasoo gaartay duufaanadii 14 Maarso waxey si waji-ka-waji ah ula kulmi karaan khubaro ka socda FEMA, Maamulka Ganacsi Yar ee Mareykanka (SBA) iyo hay'adaha gobolka iyo kuwa maxaliga si ay wax uga bartaan adeegyada iyo barnaamijyada gargaar ee u furan. Intaa waxaa dheer, badabaadayaasha waxey codsan karaan gargaar FEMA ama SBA a, gudbin karaan dukumintiyo loogu baahanyahay codsigooda, wax ka baran karaan xaalada codsigooda, loogana jawaabo su'aalahooda ku saabsan gargaar musiibo. Badbaadayaasha waxey booqan karaan goob kasta si la xiriirta gargaar. Ballan lagama maarmaan uma ahan in la booqdo; dadka iska soo gala waa lasoo dhawaadaa. BADBAADAYAASHA UMA BAAHNA INEY BOOQDAAN XARUN KASOO-KABASHO MUSIIBO SI AY U CODSADAAN GARGAAR FEMA AH KAHOR TAARIIKHDA KAMA-DAMBEYSTA EE LUULYO 1. Si aad u codsatid adigoon booqan xarun,  onleenka aadDisasterAssistance.gov [https://www.fema.gov/DisasterAssistance.gov], lasoo dag abbka moobeelka FEMA [https://www.fema.gov/about/news-multimedia/mobile-products] ama ka wac FEMA Qadka-Caawinta ee 800-621-3362- 3362. Haddii aad isticmaashid adeega isku-duwida sida adeeg isku-duwid muuqaal, adeeg taleefon ee qoraal leh ama waxkale, usii FEMA taleefonkaaga adeegaas markaad codsaneysid. Hadii aad qabtid su'aalo ku saabsan codsigaaga, waxaad la xiriiri kartaa Leenka-caawinta FEMA. Booqashada xarun ka-soo-kabasho musiibo waxaa dheeri ku ah, waxaad dukumintiyadaada u gudbin kartaa FEMA si dib loogu eego qaab boosto ama fakis ah ama adigoo soo gelinaya koontadaada DisasterAssistance.gov Si aad u degsato koonto onleen ee FEMA ah, booqo DisasterAssistance.gov, ku dhufo "Codso Onleen" oo raac jihooyinka. Xog dheeraad ah ee ku saabsan hawsha kasoo-kabasho musiibo ee Ohio, booqo www.fema.gov/disaster/4777 [https://www.fema.gov/www.fema.gov/disaster/4777].