FEMA OO KA CAAWIN KARTA WAXYEELADA DUUFAANTA EE GAARIGAAGA [https://www.fema.gov/so/fact-sheet/fema-can-assist-tornado-damage-your-car] Release Date: May 30, 2024 FEMA waxey gargaar siin kartaa si loo caawiyo dayactir iyo bedelitaan gawaarida aan caymiska ku jirin oo ku waxyeeloobey ama ku burburey duufaanada 14 Maarso. Gargaarka gaadiidka ayaa la siiyaa gawaarida leh waxyeelo badqab ama waditaan. Gawaarida waxyeelada rinjiga uun leh lama tixgeliyo. Gargaarkan waxaa loogu talagalay hal gaar oo aasaasi ah qoyskiiba ilaa ay jirto caddeyn ah in wax ka badan hal gaari u muhiim yahay adeegsiga maalinlaha ah ee qoyska. SHURUUDAHA U-QALMITAANKA Mid kamid ah kow iyo tobanka gobol ee lagu dhawaaqay ama in gaarigooda uu ka diiwaangashnaado gobolka Ohio si ay ugu qalmaan Gargaarka Gaadiidka, hase yeeshee gaariga la waxyeeleeyey waa inuu ku waxyeeloobaa mid kamid ah gobolada lagu dhawaaqay inta lagu jirey xiliga musiibada. Gawaarida waa iney kasoo baxaan mid kamid ah shruudaha soo socoda.  * Leyahay ama deynsaday (kiro ma ahan) codsadaha, la-codsadaha ama xubin qoyska ah.  * Lagu diiwaangeliyey gobolka xiliga musiibada * Haysta shuruud gobol ee ugu yare ee deyn caymis ah * Uu yahay gaari nooca la ansixiyey, sida gaari, taraak, SUV ama caasiya   AWOODDA RACFAANKA Haddii aadan haddeertan u qalmin Gargaar Gaadiid, si taxaddir leh u akhri warqadaada go’aaminta FEMA sababtoo ah waxey faahfaahin doontaa dukumintiyada ama macluumaadka loo baahanyahay si loo qadariyo racfaan. FEMA waxey waydiin kartaa kuwa soo socda: * Diiwaangelinta gaari * Caddeyn caymis oo tusineysa nooca caymiska, ama gaarigu wuxuu kasoo baxaa shuruuda gobolka ee caymiska ugu yar. * Warqada xalinta ama diidmada caymis oo muujineysa caymiska faa’iidooyinka. * Caddeyn in waxyeelada ama khasaaraha ay sababtay musiibada – sida qiyaas la xaqiijin karo, risiidhka bail.   Codsadayaashu waa iney racfaankooda ku soo gudbiyaan 60 maalmood gudahooda laga bilaabo taariikhda warqada go’aaminta.  Dukumintiyo dheeri ah waxaa FEMA loogu gudbin karaa fakis ama boosto, waji-ka-waji Xarun Kasoo-kabasho Musiibo ama onleen haddii aad qabtid koonto FEMA ah. Si aad u degsato koonto onleen FEMA ah. Booqo DisasterAssistance.gov [https://www.fema.gov/DisasterAssistance.gov],  ku dhufo “Codso Onleen” oo raac tilaamaha * BOOSTO AHAAN: Xarunta Adeegyada Nidaaminta Qaranaka FEMA, P.O. Box 10055, Hyattsville, MD 20782-7055 * FAKIS AHAAN: 800-827-8112, Feejignaan: FEMA * WAJI-KA-WAJI: Booqo Xarun kasta ee Kasoo-kabasho Musiibo si aad u gudbiso racfaankaaga, u heshid cusbooneysiisyada ku saabsan codsigaaga ama jawaabaha su’aalahaada FEMA. Halkan ka raadi xarun: FEMA.gov/DRC [https://www.fema.gov/FEMA.gov/DRC] Hadii aad su’aalo ka qabtid sida racfaan loo qaato, ka wac Leenka-Caawinta FEMA 800-621-3362. Haddii aad adeegsatid adeeg isku-duwa muuqaal (VRS), adeegyada teleefonka ee qoraalka leh ama kuwo kale, u sii FEMA lambarkaaga taleefonka adeegaas.  Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan howlgalka kasoo-kabasho musiibo ee Ohio, booqo www.fema.gov/disaster/4777 [https://www.fema.gov/www.fema.gov/disaster/4777].