FEMA OO DAD KASHAQAALEYSIINAYSA OHIO SI LOO TAAGEERO KASOO KABASHADA TORNADO [https://www.fema.gov/so/press-release/20240522/fema-hiring-ohio-support-tornado-recovery] Release Date: May 22, 2024 COLUMBUS - FEMA ayaa shaqaaleysiinaysa dadka Ohio si ay u taageeraan dadaalka dib u soo kabasho ee Maarso 14.  Dadka u qalma ee leh sooyaalo kala duwan iyo rabitaanka inay adeegaan ayaa loo baahan yahay durba. Shaqooyinkaan kumeel gaarka ah ayaa ku bilaabmaya qiyaastii 120 maalmood waana loo kordhin karaa mudada taasoo ku xiran baahida howlgalka soo kabashada.    FEMA waxay aqbalaysaa codsiyada 11 xilal oo ah gudaha iyo hareeraha Columbus, oo laga bilaabayo shaqada maamulka iyo tas’hiilaadka ilaa xiriirinta taageerada soo kabashada lala leeyahay la-hawlgaleyaasha hay'adda dadka deegaanka ee iskaa wax u qabsada laguna caawinaayo dadka dhibka ka badbaaday inay maraan  hannaankooda codsiga ee FEMA.  Si aad u aragto dhammaan xilalka bannaan, booqo usajobs.gov [https://www.usajobs.gov/] oo qor oraahda muhiimka ah ee furaha ah “shaqaalaha la shaqaaleynayo ee deegaanka” oo ku qor “Ohio” goobta. Macluumaad faahfaahsan ayaa loo bixiyay xil walba, oo ay ku jiraan mushaarka iyo faaiidooyinka la heli karo. Shaqaaleynta dadka deegaanka ayaa caawisa dhisida shaqaalaha musiibo kasoo kabashada ee FEMA. Shaqaale badan oo u shaqeeya FEMA ayaa shaqada kusoo bilaabay sidii shaqaalaha deegaanka. Dhammaan codsadeyaasha waa in ay noqdaan muwaadiniin Mareykana, 18 sano da'da ama ka badan, oo leh diploma dugsiga sare ama GED. Haddii sharaxaada xilkaaga ay ku amreyso inaad kusoo dirto codsigaaga iimayl, sadarka mawduuca ee iimaylkaaga waa in uu kujiro magaca xilka aad dooneyso in laguu tixgaliyo. Waa in sidoo kale sii fiigaagu si cad u muujinayo xilka aad u codsanayso. Shaqsiyaadka waxaa looga baahan doonaa inay maraan baaritaan dhanka sooyaalka ah oo ay kujiraan faraha iyo hubinta dhaqaalahooda. Shaqaalaha waxaa sidoo kale looga baahan yahay inay ka qeybgalaan qarash soo shubid toos ah oo qasab ah/wareejinta elegtaroonigga ah ee mushaarka. Haddii la ogaado inaad u qalanto, waxaa laga yaabaa in lagu soo waco si aad uga qeybgasho wareysi. FEMA waa Loo Shaqeeye Bixiya Shaqooyin loo Siman Yahay. Si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan howlgalka kasoo kabashada musiibada ee Ohio, booqo www.fema.gov/disaster/4777 [http://www.fema.gov/disaster/4777].