XARUMO KASOO-KABASHO MUSIIBO EE FEMA AYAA LAGA FUREY DARKE, DELAWARE IYO MIAMI [https://www.fema.gov/so/press-release/20240520/fema-disaster-recovery-centers-open-darke-delaware-and-miami-counties] Release Date: May 20, 2024 COLUMBUS - Xarun Kasoo-kabasho Musiibo ku-meel-gaar ayaa hadda laga furay gobolada Darke, Delaware iyo Miami si looga caawiyo dadka degan iney gogol xaaraan soo kabashadooda kadib duufanadii 14 Maarso.  Takhasusyahno ka socda FEMA iyo Maamulka Ganacsiga Yar ee Mareykanka ayaa joogi doona xarumaha si ay uga caawiyaan badbaadayaasha iney codsadaan gargaar musiibo ee federaal, soo geliyaan dukumintiyo, wax ka bartaan qaabab uga dhigaan guriyahooda kuwo u adkeysta musiibo, oona su'aalahooda si waji-ka-waji ah looga jawaabo. Xarumaha ku-meel-gaarka ah ayaa ka furan goobaha, maalmaha iyo saacadaha soo socoda:   Darke County Emergency Management  5183 County Home Rd. Greenville, OH 45331 Saacadaha: Isn. May 20 - Jim. May 24, 7:30 a.m. – 6:30 p.m. XARUNTA WAY XIRMI DOONTAA JIMCO, MAY 24 XILIGA 6:30 PM.    Sunbury United Methodist Church 100 W. Cherry St. Sunbury, OH 43074 Saacadaha: Isn. May 20 - Kham. May 23, 7:30 a.m. - 6:30 p.m. XARUNTAN WAXEY XIRMI DOONTAA KHAMIIS, MAY 23 XILIGA 6:30 P.M. Bradford Public Library 138 E. Main St. Bradford, OH 45308 Saacadaha: Isn. May 20 - Tal. May 21, 7:30 a.m. – 6:30 p.m.             XIDHAN: ARB. MAY 22             Kham May 23 - Sab. May 25, 7:30 a.m. – 6:30 p.m. XARUNTAN WAY XIRMI DOONTAA SABTI, MAY 25 XILIGA 6:30 PM. Xarumaha soo-kabasho ee deeriga ah waxey dhawaan ka furmi doonaan gobolada saamoowey. Si aad u heshid xarunta kuugu dhow, booqo fema.gov/drc [https://egateway.fema.gov/ESF6/DRCLocator]. Badbaadayaasha waxey booqan karaan goob kasta si la xiriirta gargaar. Gargaar luuqado aan ka ahayn English, ay ku jirto luuqada dhagoolaha ee Mareykanka, iyo agabyada la fasirey ayaa ku diyaarsan xarumahan. Goobaha Kasoo-kabashada Musiibo ayaa loo xushey marin u helidooda, iyadoo u jeedku yahay in la gaaro inta ugu badan dad ee macquul ah. Goobo baarkino oo marin loo helo ayaa ku diyaarsan dhammaan xarumaha.  Badbaadayaasha uma baahna iney booqdaan Xarun Kasoo-kabasho si ay u codsadaan gargaar FEMA ah. Si aad u codsatid adigoon booqan xarun,  onleenka aadDisasterAssistance.gov [http://secure-web.cisco.com/1JwxQ1ApYAWu4elbjBo62ZMHRQ9c5fpKPS1AR5whdr-sjavmmTfrk-h0dEqv4YkRXcu0xLzjlW5EOE5i7MCBje-r4NOvy-VUSVCsF52VDSqqtNoUUlExJuBy-G2wKq7TpJsQW3SkyZRHfFvZyJUiV6KFbllI-zs3SMhcz_9hF-_X1DALaEviBLpp9N1KsZ2UtHduRW5-d3fSIPgh9jikah79wvkGB0lrLv2K7k1zI7yK4sHhMz7wOSx2kW_Gr0pUU8OPpkbo0CJdOnmPC83MMr5-dI9rvFy7ZmuoF1moManUuay-gSBER9Rkh9YlZwc55lVClRX7pPUWvCmcpuB0rAQxoK5772eiNZY50rgmgO34l3U6KNjw3wNfFBid-h25qVnBU4FPgHOCn-FzIYzWrfjJoJfJlNIWcT0LEfr9hvnM/http%3A%2F%2Fwww.disasterassistance.gov], lasoo dag abbka moobeelka FEMA [https://secure-web.cisco.com/1eqo_d_4ka3Dz8DnO1_UEDx3b8jrjn6Vn-JWEktAVsv0AabLtZhqfBkYN8E8vdWKFELTZ55-fhwnMKKQvVdCbep0Oa7W0rsfWxB9dTyfq0HggZ07VrF-kS6_khsGMcMMkif5Eul4D7CaQqiHQH9RcdDQPWeoJOitzPnFF2tAtFAxp2eMmdShyHrF5taJL3PBAhqrl2GYllSZK4kYWHG2YPT5qRsTXPu9VW9MOsMzUbJUc4spbDh-X6xxXSZIs6S94HgVvsIJlvhL7YsQmo9NX27UA-t1_X_xMApoB7Gwl22-FgFFrFG3cyxrazoHQQ5mJqZIiyZ0WBhOfz0Vi6oE5-yYcq7OEDg0st8q1Z8SzELS65uaWSqLeprcdOgP8ZW-TT3jbsnf5TWoFblFnovaAVKstl_dwkUgPHQzu7qwKLSo/https%3A%2F%2Fwww.fema.gov%2Fabout%2Fnews-multimedia%2Fmobile-products] ama ka wac FEMA Qadka-Caawinta ee 800-621-3362- 3362. Haddii aad isticmaashid adeega isku-duwida sida adeeg isku-duwid muuqaal, adeeg taleefon ee qoraal leh ama waxkale, usii FEMA taleefonkaaga adeegaas markaad codsaneysid. Xog dheeraad ah ee ku saabsan hawsha kasoo-kabasho musiibo ee Ohio, booqo www.fema.gov/disaster/4777 [http://www.fema.gov/disaster/4777].