FEMA WAXEY SIISAA CAAWIN KALA-DUWAN KA-BADBAADAYAASHA DUUFAANTA OHIO [https://www.fema.gov/so/press-release/20240509/fema-offers-variety-help-ohio-tornado-survivors] Release Date: May 9, 2024 COLUMBUS - FEMA waxey siisaa caawin kala-duwan ee ballaaran dadka ay saameysey duufaanadii 14 Maarso. Milkiiliyaasha iyo kireystayaasha jooga gobolada Auglaize, Crawford, Darke, Delaware, Hancock, Licking, Logan, Mercer, Miami, Richland iyo Union ayaa lagu dhiirigeliyaa iney codsadaan. FEMA waxey lacag caawin ah siisaa codsadayaasha u qalma ee leh baahiyo daran, lacag ka bixinta meel ay ku meel gaar ugu noolaadaan, dayactirada guriga iyo baahiyaha kale aaney daboolin caymis. Lacagta ay FEMA bixiso ma ahan in dib loo bixiyo waxaana ka mid noqon kara: * Baahiyaha Daran: Lacag nolosha lagu badbaadiyo iyo agabyo nolosha lagu xajiyo, ay ku jiraan biyo, cunto, gargaar kowaad, rukumashooyin, cunada dhallaanka, saheyda naas-nuujin, xafaayado, sahayda la isticmaalo ee caafimaad, agab caafimaad ee waara, agabyo nadaafad shakhsiyeed iyo shidaal loogu talagalay safar. * Barakac: Lacag kaa caawisa baahiyo guriyeyn haddii aadan ku noqon karin gurigaaga sabab la xiriirta musiibada. Lacagta waxaa loo isticmaali karaa in lagu joogo huteel, lagula joogo qoys iyo asxaab ama ikhtiyaarada kale intaad raadineysid guri la kireysto. * Barakac: Lacag kaa caawisa baahiyo guriyeyn haddii aadan ku noqon karin gurigaaga sabab la xiriirta musiibada. Lacagta waxaa loo isticmaali karaa in lagu joogo huteel, lagula joogo qoys iyo asxaab ama ikhtiyaarada kale intaad raadineysid guri la kireysto. * Gargaar Kiro: Lacag aad u adeegsato inaad ku kireysatid guriyeyn haddii lagaa barakiciyey gurigaaga sabab la xiriirta musiibada. * Hanti Shakhsiyeed: Lacag kaa caawisa inaad dayactirtid ama bedeshid agabyo, alaabta guriga, iyo kombiyuutar shakhsiyeed ama qoys oo ay waxyeeleysey musiibada. Waxaa tani sidookale ku jiri kara lacag loogu talagalay buugaag, yuunifoom, agabyo, kombiyuutaro dheeri ah iyo sheeyo kale ee loogu baahanyahay iskuulka ama shaqo, ay ku jirto is-shaqaaleysiin. * Daryeel Caruur: Lacag kaa caawisa inaad ku bixisid kharashaadyo daryeel caruur oo sii kordha oo ay sababtey musiibada. * Gaadiidka: Lacag kaa caawisa inaad dayactirtid ama bedeshid gaari ay musiibo waxyeeleysey markaadan haysan gaari kale ee aad isticmaali karto. * Kharashaad Guuris iyo Keydin: Lacag kaa caawisa inaad guurisid ama kaydisid hanti shakhsiyeed ee gurigaaga laga guuriyo si looga hortago waxyeelo dheeri ah. CODSO FEMA Haddii aad leedahay caymis, waa inaad dood la furataa sida ugu dhakhsaha badan. FEMA ma laba jibaari karto faa'iidooyinka ama qasaaraha ay daboosho caymis. Haddii caymiskaagu uunan daboolin kharashaadyadaada oo dhan, waxaad u qalmi karaysaa gargaarka federaalka. Si aad u codsato gargaarka musiibo ee FEMA, waxaad tagi kartaa onleenka DisasterAssistance.gov [https://www.fema.gov/DisasterAssistance.gov], lasoo dag apka moobeelka FEMA [https://www.fema.gov/about/news-multimedia/mobile-products] aaladaha taleefonka, ama ka wac leenka-caawinta bilaashka ah ee 800-621-3362. Haddii aad isticmaashid adeega isku-duwida sida adeeg isku-duwid muuqaal (VRS), adeeg taleefon ee qoraal leh ama waxkale, usii FEMA taleefonkaaga adeegaas. Xog dheeraad ah ee ku saabsan hawsha kasoo-kabasho musiibo ee Ohio, booqo www.fema.gov/disaster/4777 [https://www.fema.gov/www.fema.gov/disaster/4777]. Taariikhda kama dambeysta in lagu codsado gargaar FEMA waa Luulyo 2, 2024.